U bood dhigaalka

India: Maxkamad Dhageysatay Dacwad Loo Heysto Dhallinyaro Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalada dalka India ayaa dhegeysatay dood ku saabsan dacwadda loo haysto dhalinyaro Soomaaliyeed oo falal burcad badeednimo lagu soo eedeeyay.

Dacwad oogaha dhallinyaradaasi iyo qareenka u doodaya dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa dood kulul waxa ay ku dhexmartay  gudaha maxkamaddaasi.

Waqti dheer oo ay dooddu qaadatay kadib ayaa Qareenka maxkamadda oo si wanaagsan ula socday doodda Labada qareen waxa uu sheegay in tobanka bisha soo socota mar kale maxkamadda la isu imaanayo si loo caddeeyo natiijada kasoo baxday dooddii qareennada ee la dhegeystay.

Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee India ayaa dhankooda waxa ay sheegeen iney wadaan dadaallo badan oo ay ku doonayaan in dhallinyaradaasi ay xorriyaddooda helaan ama hadii xitaa denbi lagu helo dalkooda ay ku qaataan xukunkooda.

Axmed Maxamuud Maxamed (Axmed-Xiis) oo ah Xoghaya koowaada ee safaarada Soomaaliya ee India ayaa Goobjoog News u sheegay in mar walbo ka safaarad ahaan ay wadaan dadaallo badan.

“Labada qareen waa ay doodeen, qareenka dhallinyarada Soomaaliyeed u doodaye wax badan ayuu meesha ka sheegay, wuxuu caddeeyay in sababtya dhallinyaradan dambiga u qirteen ay tahay in muddo kale aan waqti laga sii lumin, maadaama Lix sano ay xirnaayeen, annaga waxaan ku dadaaleynaa in aysan dhicin waxa ay dadka ka baqayaan ee ah in dil lagu xukumo, 10-ka November ayaa hadane la ballamay, marka dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay ducada nala soo garab istaaga” ayuu yiri Xoghaye Axmed Maxamuud.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India ayaa tiro ahaan waxay gaarayaan 118 ruux, waxaana loo haystaa iney ka tirsanyihiin kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Goobjoog News