U bood dhigaalka

Indonesia Oo Fashilisay Soomaali Tahriib Ah

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda ee dalka Indonesia  ayaa la sheegayaa in ay fashiliyeen tahriibka 8 qof oo Soomaali ah, doonta raggan ay saarnaayeen oo ka timid dalka Malaysia ayaa soo martay biyaha Bagan Asahan oo waqooyi ka xigta Sumatra.

“Ciidamada badda, waxaa ay qabteen dooni aan wax magac ah ku qorneen”, sidaasi waxaa sheegay sarkaal socdaalka u qaabilsan wasaaradda cadaaladda oo lagu magacaabo Agung Sampurno.

Agung waxaa uu intaa raaciyay in naaquudaha iyo kooxda kale ay ka boodeen doonta oo ay duurka galeen balse la helay 8 passport oo muujinaya in dadkan ay qaxooti ku ahaayeen dalka Malaysia.

UNHCR, waxaa ay sheegtay in bishii hore ee March ay dalka Malaysia qaxootinimo codsadeen in ka badan 150,845 qof, waxaa kale oo  Indonesia  ku sugan 14,000 qaxooti ah.

Indonesia waxaa ay ku taalla inta u dhaxeysa Malaysia iyo  Australia oo ah labo wadanan oo kala duwan, midka hore waxaa uu qaabilaa qaxootiga halka waddanka dambe uu dib u jedin u sameeyo.

Goobjoog News