U bood dhigaalka

Ingiriiska oo Dacwad Musuqmaasuq Kusoo Oogey Soma Oil & Gas iyo Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay

Sheeko:Caalamka

Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

War kasoo baxay xafiiska baarista dambiyada ayaa lagu sheegey in dacwadda la baarayo ay tahay mid la xiriirta musuq maasuq iyo lacago laaluusha ah oo ay bixisey shirkadda markii la siinayay qandaraaska shidaal baarista Soomaaliya

Jawaabta Soma Oil

Afhayeen u hadlay shirkadda Soma ayaa sheegey in aysan jirin wax isdabamarin ah oo ay sameeysey shirkadda, islamarkaasina ay ku shaqeyso si sharciga waafaqsan.

Waxa uu intaasi ku daray in ay wadashaqeyn la leeyihiin baarayaasha kiiska oo ay doonayaan in magacooda ay nadiif ka dhigaan.

Shirkadda waxaa madax ka ah ninka lagu magacaabo Micheal Howard oo ka tirsan aqalka baarlamaanka dalkaasi, horeyna u ahaa guddoomiyaha xisbiga Conservative ee hadda talada haya.

Mar afhayeenka uu ka hadlay sida ay dacwadda u saameyneyso ninkani ayuu yiri “Xafiiska dambi baarista waxa ay noo xaqiijiyeen in aysan jirin wax tuhun ah oo laga qabo Howard oo ka dhashay ganacsiga Soma iyo waliba kaalintiisa agaasimaha aan joogtada ahayn ee shirkadda, wuxuuna wadahadal la leeyahay xafiiska”

Dowladda Soomaaliya oo difaacdey SOMA

Ibraahim Xuseen oo madax ka ah xafiiska xiriirka caalamiga ah ee wasaaradda batroolka ayaa sheegey in Soomaaliya ay ku qanacsantahay shaqada SOMA, islamarkaasina aysan joojin doonin wadashaqeynta kala dhaxeysa illaa laga soo caddeeyo in dambi la galay.

Sidoo kale wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ahaa qofkii heshiiska saxiixay markii uu ahaa wasiirka batroolka sanadkii 2013-kii ayaa sheegey in uu aad ola yaabay dacwadda lagu soo oogey.

Eedaha Jira

Warbixin ay sameeyeen guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegey in ay baarayaan heshiis shirkadda SOMA ay la saxiixatay wasaaradda batroolka oo ah in shirkadda ay shaqaale u tabobarto wasaaradda, islamarkaasina ay bixiso mushaaraadka shaqaalaha, taasi oo ka taloowsan waxyaabihii uu qandaraaska shidaal baarista quseeyey.

Horey waxaa shaki looga qabay sababta shirkadda oo bil uun ka hor la asaasay loogu saxiixay heshiis sidan u weyn sanadkii 2013-kii, iyada oo shirkadda aysan lahayn wax qibrad shaqo ah.

Maxaa Ka Lumaya Soomaaliya

Shirkadda waxa ay sheegtey in illaa $40 milyan oo doolar ay ku bixisey hawsha shidaal baarista, taasi oo labo jeer ka badan intii ay ugu talogashay, sida ay SOMA sheegatay.

Billo ka hor waxa ay shirkadda sheegatay in boqolkiiba %90 ay qaadan doonto faa’iidada kasoo baxda marka shidaal lasoo saaro, waxaana xusid mudan in qandaraaska horey loola saxiixdey ay qeyb ka tahay in shirkaddani la siiyo ceelasha ugu nacfiga badan marka baarista la dhameeyo.

Taas waxaa beeniyey wasiirka batroolka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim, isaga oo sheegey in aysan jirin wax heshiis ah oo arrinkaasi ku saabsan.

Laakiin waxaa jirta in xogtii ay soo uruurisey SOMA intii ay shidaal baarista ka wadday badda Soomaaliya ay wali gacanteeda ku jirto, islamarkaasina diidey in ay ku wareejiso dowladda Soomaaliya sidii heshiiska ahaa.

Balse markii arrintaasi la weeydiiyey wasiirka batroolka Maxamed Mukhtaar waxa uu sheegey in 15-ka bishan Agoosto laga soo wareejin doono xogta, islamarkaasina aysanba jirin awood ay Soomaaliya ku xifdisan karto xogta ama ay ku suuq geysan karto, hadalkaasi oo ay dad badan a yaabeen.

Haddii shirkadani lagu helo dambi, waxa ay ka dhignaan kartaa in xogtii Soomaaliya ay u baahneyd ee laga hayay ay sidaasi ku maqnaato illaa ebed.

Goobjoog News