U bood dhigaalka

Ingiriiska Oo Niyad-Jab Ka Muujiyay Dib U Dhaca Doorashooyinka Somaliland

Sheeko:Dalka

Sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in caalamka uu niyad-jab ka muujiyay dib u dhaca doorashada Soomaaliland kuwaas la rabay in ay ka dhacaan Somaliland oo dib loogu dib dhigay 2017-ka.

Andrew Allen oo ah ku xigeenka safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegayaa in Ingiriiska ka niyad jabay dib u dhigista doorashada baarlamaanka Somaliland oo aan muddo loo qaban in ay qab-soomayaan isagoo rajo ka muujiyay in xukuumadda ay ka dhabeyn doonto doorashada madaxtinnimada Somaliland oo la sheegay in ay dhaceyso bisha March ee sanadka soo socda.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay in baarlamaanka Somaliland oo la rabay in uu jiro 5 sano ay dhacday in dib u dhac badan lagu sameeyo oo 12 sano ay ku qaadaneyso in uu isbadal ku dhaco halka doorashada madaxweynimada labo sano dib loo dhigay, lana ogeyn sida ay u dhici karto xiliga loo qabtay ee March 2017-ka.

Andrew Allen waxaa uu isweydiiyay in ay luntay xiisihii Somaliland ay u hayeen doorashooyinka, isagoo intaa raaciyay in haddii Muqdisho ay doorasho ka dhacdo halka Somaliland dimoqoraadiyadeedana ay jiitameyso in dadka ay isbar bar dhig sameyn doonaan.

Safiir ku xigeenka waxaa uu sidoo kale sheegay in ra’isul wasaaraha cusub ee Ingiriiska Theresa May aaney wax isbadal ah ku sameyn doonin siyaasadaha Uk ee Soomaaliya, isla markaana shirka deeq bixiyaasha uu dhici doono sanadka dambe.

Mar uu ka jawaabayey aqoonsi la’aanta Somaliland, waxaa uu soo qaatay arrinta ka dhacdey Czechsolovakia oo u kala jabay  Slovalia iyo Czech republic, isagoo sheegay in go’aanka kala go’idda labada dhinac ay u taallo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhinaca kale, wax laga xumaado ku tilmaamay xariga ay Somaliland u geysato Saxafiyiinta iyo saameynta ay ku yeelan karo xuriyatul-qowlka isagoo saxafiyiinta kula taliyay in mas’uul ahaadaan ilaaliyaanna anshaxa saxaafadda.

Goobjoog News