U bood dhigaalka

Ingiriiska oo Safiirada Dalkaas kula Dardaarmay Isticmaalka Baraha Bulshada ee Internet-ka

Wasaaradda arimaha dibadda Ingiriiska ayaa ku boorisay Safiirada dalkaasi in ay isticmaalaan baraha bulshada ee Internet-ka si ay ula xiriiraan dadka u shaqeeya ama ay u shaqeeyaan.

Todobaadkan Safiirka dowladda Ingiriiska ee dalka Masar ayaa barta Tweeter-ka soo dhigay in ay safaaradiisa soo dhaweynayso in ay u shaqeeyaan Caruurta dadka Qashinka qaada.

Arintan ayaa timd kadib markii Wasiirka garsoorka dalka Masaru u is casilay kadib markii uu sheegay in Garsoorka dalkaasi aanu ka shaqeyn Karin Caruurta dadka Qashinka qaada, taas oo ka careysiisay dadka badan oo dalkaas iyo dunida ku sugan.

Wasiirka arimaha dibadda Masar oo ka jawaabayey hadalkaas ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa Kaftan.