U bood dhigaalka

Ingiriiska Oo Sheegaya In Xeebaha Bariga Afrika ay Ku Qabteen Daroogo Lagu Maalgelin Rabay Argigixisada

Sheeko:Dalka

Ciidamada Badda ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in todobaadkan ay qabteen daroogo lagu qiyaasay KSh8.6 billion, daroogadan oo lagu qabtay xeebaha Badweynta Hindiya waxaa loo soo waday bariga Afrika.

Daroogada oo lagu sheegay  in la eg tahay 445 kg oo cannabis iyo 266 kg oo  heroin ah waxaa lagu keydiyay qaboojiyeyaal ku dhex jiray doomo yaryar.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Ingiriiska ayaa sheegay in daroogada la qabtay ay ka dhigan tahay in la hor istaagay il ka mid ah maalgelinta kooxaha argigixisada.

Dadkan la qabtay, Ma wadan warqado aqoonsi ah ama Passaport, sidaa dareteed waxaa adag in la sheego dalalka ay u dhasheen, dadkan waxaa lagu hayaa dalka Kenya.

Goobjoog News