Injineer Camey: Cadaaladda Ayaa La Horkeenayaa Dhallinyaradii Kufsiga Ka Geystay Goldogob

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey ayaa sheegay in cadaaladda ay horgeyn doonaan dhallinyaradii Kufsiga ka geystay degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay Mr. Camey in arrinta dadka oo idil damqisey ay tahay in markii gabdhahaasi la kufsaday ay dhallinyarada muuqaallo ay kasoo duubeen hadana ay ku baahiyeen baraha bulshada.

“Waxaan marka ugu horreysay tacsi u dirayaa qoysaskii iyo shaqsiyaadkii ay arrintaan ku dhacday, kufsigii Goldogob ka dhacay adduun weynaha ayuu gilgiley, sababtaasi waxay tahay in baraha bulshada la geliyey markii ay falkaan foosha xun sameeyeen, sidaasi darteed waxaan idiin sheegayaa in cadaaladda la horkeeni doono dadka falkaan kufsiga ah ku dhaqaaqay, sidoo kalena cid walbo oo arrintaan damacdana waxaan u sheegeynaa in ciqaab ay muteysan doonto” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Lix dhallinyaro ah ayaa kufsi kula dhaqaaqay Laba gabdhood oo ku dhaqnaa degmada Goldogob gobolka Mudug ee Puntland, iyadoo weli xukunka dhallinyaradan la isku mari la yahay.

Waxgaradka ay kasoo jeedaan dhallinyarada falkaasi ku dhaqaaqday ayaa sheegay in arrinta ku dhameyn doonaan qaab dhaqan, halka maamul goboleedka Puntland uu sheegayo in maxkamad lasoo taagi doono dhallinyaradaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW