U bood dhigaalka

Injineer Turki Ah Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Injineer u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta lagu dhaawacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Injineerka Turkiga ayaa ka mid ah Injineero dhisaayay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye, waxaana dhismaha uu maraayay meel ku dhaw Xarunta deegaanka Garasbaaley.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan xillliga qaraxa miinada lala eeganaayay Injineerkaan Turkiga ah uu kormeer ku sameynaayay dhismaha wadada, balse lala helay qarax miino oo Wadada dhinaceeda la galiyay.

Dhaawaca soo gaaray Injineerkan Turkiga ayaa waxaa loola soo cararay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Goobjoog News