U bood dhigaalka

Dhageyso: Injineer Xasan Sahal “Natiijo Kama Soo Bixi Doonto Wadahadallada DFS Iyo Maamullada”

Sheeko:Dalka

Injineer Xasan Sahal oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa isaga oo u warammay Goobjoog waxa uu sheegay in wax natiijo ah aysan kasoo bixi doonin kulanka la filayo in bil kadib magaalada Garoowe ku yeeshaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee arrintaasi ay tahay in weli ay jiraan maamullo aad uga soo horjeeda dowladda, xalkana aanu imaan karin illaa isbedallo la helo.

Xasan ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay hadda tahay mid aad ugu bisil isku soo dhowaanshiyaha, balse maamullada aysan arrintaasi rabin.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News