U bood dhigaalka

Injineer Yariisow Iyo Taabit Oo Kulmay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Injineer C/raxman Yariisow iyo guddoomiyahii isaga ka horreeyay Taabit Cabdi ayaa xalay saq dhexe kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow, Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow, wasiirka Boostada Injineer Canshuur, wasiir ku xigeenka dekadaha Cismaan Daalo, xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo taliyeyaal ciidan ayaa Taabit ku booqday hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho.

Kulanka ayaa ahaa mid albaabada u xiran, waxaana laga wada hadlay arrimo ku aadan in la dejiyo xiisadda siyaasadeed ee gobolka ka jirta, iyadoo la isku afgartay ugu dambeyn Nabad iyo xasilooni.

Taabit ayaa sheegay inuu magacaabi doono guddi ka shaqeeya howlaha xil wareejinta, iyadoo la isku fahmay in buuq la’an loo wada shqeeyo, meeshana lagu damiyo wax walbo oo ku aadan xiisadda siyaasadeed ee gobolka Banaadir.

Maalmhan dambe waxaa soo jiitamayey xiisadda siyaasadeed ee ka jirtay gobolka Banaadir, taasi oo keentay in Taabit xilkiisa ku waayo.

Goobjoog News