U bood dhigaalka

Inta aanuu Dhamaan Waqtiga ‘Ban Ki-moon’, Baro 8-da Musharrax ee u Taagan Qabashada Jagada Xoghayaha Guud Ee QM

Sheeko:Dalka

Sideed musharrax ayaa waxaa su’aalo lagu waydiiyay xarunta Qaramada midoobay 12-kii bishan April 2016,  si loogu dhawaaqo iney u taagan yihiin qabashada xilka xoghayaha guud ee QM, inta aaney dhamaan mudada xoghayaha guud ee hadda Ban Ki-Moon, oo ku eeg dhamaadka sanadkan 2016, ka dib 10sanno oo uu hoggaaminayay.

Waa markii ugu horreysay ee Qaramada Midoobay ee gudaheeda murashaxiintu ay ku tartamayaan, iyadoo markii hore ay soo xuli jireen shanta xubnood ee codka Qayaxan ee Fitoga leh; Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Shiinaha iyo Faransiiska, oo fadhi albaabadu u xiran yahay ku dooran jiray xoghayaha Qaramada Midoobay.

Hadaba 8-da murashax ee Cusub ee miiska saran, 4 ka mid ah waa Dumar, inta kel waa Rag, oo dhamaantood soo wada maray tijaabooyin hore xilal sarsarena soo qabtay, kana soo shaqeeyay  dhinacyada Xuquuqul-insaanka, Waxbarashada, Xuquuqda, Horumarinta, Siyaasadda.

Haddaba waxaan eegayna 8-da murashax iyo aqoontooda, shaqadooda, iyo sida lagu soo xulay:

 Irina Bokowa

Waa siyaasiyad Bulgarian ah, waana qof u dooda xuquuqul-insaanka, waxayna laba jeer ku soo baxda baaralmaanka dalkeeda oo ay ka qeyb noqotay, wax kale oo ay  noqotay wasiirka arrimaha dibadda Bulgaria, waxayna soo martay isku duba ridaha dalkeeda xiriika uu la leeyahay midowga Yurub inta u dhaxeysay 1995-1997.

Waxaa intaa u sii raaca iney tahay haweeneydii ugu horreysay ee madax ka noqota UNESCO, laga soo bilaabo sanadkii 2009 iyadoo mudadeedu uu dhamaaneyso dhamaadka sanadkan 2016.

Waxay waxbarashadeeda jaamacadeed ku qaadatay machadka Mosco ee xiriirka dowliga ah, ka dib waxay waxbarasho ka heshay jaamacadda Maryland ee dalka Mareykanka, sidaas oo kale waxay ku biirtay kuliyadda John F.Kennedy ee jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka, waxay si aad ah u taqaanaa shan luuqadood, Mareykanka ayay ku nooshahay iyada iyo qoyskeeduba.

Bishii Febraayo ee aan soo dhaafnay ayaa Bulgaria ay soo sharaxday haweenaydan 63 jirka ah, si ay u bedesho Ban ki-Moon, khibradeeda ballaaran darted, haddii ay ku guulaysatana waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horeysay ee qabata xilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaa kale ee ay noqoneysaa qofkii ugu horeyay ee matala Yurubta Bari.

Hadaladii laga qoray waxaa kamid ahaa iney tiri; “Horey waxaan uga guulaystay tartamayaal aad u xoogan, waan garanayaa sida aan cod ku kasban karo gudaha Qaramada Midoobay”. 

Antonio Guterres

Noloshiisa siyaasadeed waxa uu bilaabay sanadkii 1974-tii, ka dib markii uu ku biiray xisbiga hanti wadaagga, illaa uu ka noqdo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiga, laakiin dhamaadkii sanadkii 2001, waxa uu iska casilay xisbiga ka dib natiijo lama filaan ah oo uu xisbigu ka soo hooyay doorashada.

Sanadkii 2005 ayaa waxaa loo doortay jagada Wakiilka sare ee Qaxootiga (UNHCR)oo ay doorteen golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxa faan u noqotay wakhtigaas inuu maamulo hay’adda aad u baaxad weyn oo u adeega bani’aadamka Dunida, isla markaana ay ka shaqeeyaan in kabadan 9kun oo shaqaale oo ka kala shaqeeya 123 dowladood, iyadoo qabta adeegyada ilaalinta iyo kaalmeynta in ka badan 46 milyan oo qaxooti ah, sidaas oo kale barakacyaasha gudaha wadamadooda iyo kuwa raba iney dalalkooda dib ugu laabtaan iyo dadka aan jinsiyadaha lahayn.

Waxa uu u dhashay dalka  Portogal, isla dalkiisa ayaan soo sharaxay.

Srgjan Kerim

Waxaa soo sharaxay dalkiisa Macedonia, waa dublumaasi, aqoonyahan sare iyo ganacsade iyadoo khibradiisa siyaasadeed ay 30 sanno ka badan tahay, waxa uu wataa shahaado Dr dhanka dhaqaalaha University of Belgrade Qeybta dhaqaalah, waxa uu si waangsan ugu hadlaa 9 Luqadood.

Vesna Pusic

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Croatia, waxay siyaasadda soo gashay 20 sano ka hor, waxayna haysataa shahaadada BHD dhanka cilmiga bulshada Jaamacadda Zagreb ee caasimadda Croatia.

Waxay ka shaqeysaa maamulaha markaska barashada Nabadda, kaas oo sawir dhab ah ka bixiya dagaalada iyagoo adeegsada xaqiiqooyin iyo Docomentiyo, waxayna isku dubaride u tahay olole dagaalada looga soo horjeedo Croatia gudaheeda, waxayna leedahay khibrad aad u weyn oo ay ka kasbatay dagaalada Bosnia iyo Herzegovina iyo Kosovo.

Sandkii 1998 dii ayaa waxaa la siiyay abaalmarinta Nolosha Saxdaha, waxayna ku kasbatay dadaalka ay u gashay dhismaha Nabadda, Cadaaladda iyo dib-u-heshiisiinta gobolka Balkans-ka, sanadkii 1997 diina waxay ka mid ahayd dad loo soo xulay hanashada abaalmarinta Nobel Prize dhanka nabadda.

Igor Lukšić

Montenegro ayaa ku dhawaaqday inuu murashax u yahay Igor Lukusic si uu u qabto jagada xoghaya guud ee Qaramada Midoobay sanadka soo aaddan, Igor waxaa lagu tiriyaa inuu yahay qofka ugu da’da yar dadka jagada u taagan, waxa uu BHD ka diyaariyay dhaqaalaha iyo Siyaasadda Jaamacadda Montenegro, waxa uu dalkiisa kasoo qabtay jagada ra’isul wasaaraha dalkiisa, sidaas oo kale wasiirka maaliyadda, waxaanuu soo noqday xubin baarlamaanka dalkiisa, waxa uu ku hadlaa 4 Luuqadood.

Natalia Gherman

Jamhuuriyadda Moldova waxay soo meeska soo saareen Natalia Gherman, waxay ka shaqeyneysay Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda muddo dheer, ku daso waxa ay aad uga shaqeysay Xuquuqul-Insaanka muddo ku dhaw 25 sano.

Waxay soo noqotay Ra’isul wasaare ku xigeen, wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka arrimaha ku biirista midawoga Yurub, waxayna shahaadada M.A ayay ka wadataa jaamacadda London, waxa kale oo ay soo noqotay ku-xigeenka Koowaad ee Ammaanka Yurub iyo Waaxda Arrimaha Siyaasaadda iyo Militariga.

Helen Clark

Ra’isul wasaarihii hore ee New Zealand, waxay Ra’isul wasaare noqotay sadex jeer oo isku xigta inta u dhaxaysay sanadadii 1999-2008, sidaas oo kale waa maamulaha guud ee barnaamijyada Qaramada Midoobay.

Waxay wadataa shahaadada B.H.D oo ay ku qaadatay matalaada siyaasadeed ee Reer Miiga sanadkii 1974-tii, waxay kasoo horjeestay nidaamka midab kala sooca ee ka jiray Konfurta Africa xilligii halganka Africa ee la dagaalanka Cunsuriyadda.

Waxay heshay abaalmarinta Nabadda oo ay bixiso dowladda Denmark, waxayna ku heshay dadaaladii ay ka qeyb gashay ee ay ku taageeraysay hubka dhigista.

Waxay soo qabatay xilka wasiirro kala duwan oo ay ku jirtay wasaaradaha difaaca, dib-u-dajinta, Shaqada, Caafimaadka, laga soo bilaabo sanadkii 1987-dii.

Danilo Türk

Waxa uu u dhashay dalka Slovenia, waxaanuu madaxweyne kasoo noqday dalkiisa, waxa uu wataa shahaadada B.H.D oo uu ka diyaariyay dhanka qaanuuka jaamacadda Ljubljana, waxa uu kasoo shaqeeyay ergay Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda xiligii ‘Kofi Annan’, Slovenia ayuu u ahaa wakiilka joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

Bayaan ras’mi ah oo ka soo baxay dowladda Slovenia ayaa lagu sheegay in “Yurubta Bari aaney wali qaban xilka xoghayaha Qaramada Midoobay muddo 70 ah, Danilo waa murashax haysta taageero iyo sumcad dowladeed oo ballaaran“.

Qaab noocee ah ayaa Doorashadu u dhacaysaa?

Waxaa hadda xarunta Qaramada Midoobay ka bilowday 12.04.2016 kulamo lagu tartamayo helidda Jagada xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyadoo kulmadaas TV-da si Toos ah looga daawanayo, wakhti laba saacadoodna la siiyay murashax kasta, waxa uu soo bandhigayaa waxa uu ka aamnisan yahay jagada iyo qorshayaashiisa mustaqbalka, waxaanuu ka jawaabayaa, su’aalaha 193 dowladoo ee xubnaha ka ah golaha.

Doorashada rasmiga ah ayaa bilaabanaysa July iyadoo ka bilaabaneysa golaha 15 xubnood ee golaha Ammaanka, iyagoo fadhiyo kala duwan iyo codod qarsoodi ah ku dooranaya, laba bilood kadibna waxaa lasoo hordhigayaa magac kaliya Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si ay u ansixiyaan.

Magacyada Xoghayeyaashii Hore ee Qaramada Midoobay

Waxaa xusid mudan musharax kasta oo laga yaabo inuu ku guuleysto, waxa uu imanayaa isaga oo xilkan ay uga horreeyeen sideed xoghaye inta la aasaasay Qaramada Midoobay 1954-tii, waxayna kala yihiin; Ban Ki-moon, Kofi Annan, Boutros-Ghali, Javier Perez de Cuellar, Kurt Waldheim, U Thant, Dag Hammarskjold, Trygve Lie

Halkan Hoose ka Daawo Sawiradooda:

 

041116_1545_8 041116_1545_1 041116_1545_2 041116_1545_3 041116_1545_4 041116_1545_5 041116_1545_6 041116_1545_7

Goobjoog News