U bood dhigaalka

SAWIRRO: Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa inta badan xiran waddooyinkii ugu muhiimsanaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo diidayo gaadiidka dadweynaha, waxaana waddooyinka qaar iyana loo diidayaa dadka shacabka ah.

Wariyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa soo sheegaya in saakay ay dadku kusoo kaceen waddooyinka badi oo ciidamo ka tirsan dowladda ay ku sugan yihiin loona sheegayo in la xiray waddooyinkaasi.

Waddooyinka Wadnaha iyo 30-ka ayaa ah kuwo si caadi ah u shaqeynaya, balse wixii ka dambeeya wadada Wadnaha ayaa jid walbo waxaa lagu jaray ciid badan.

Xaafado ka tirsan degmooyinka Shibis, Boondheere, Warta Nabadda, Howlwadaag iyo Hodon waxaa ka jarmay biyahii kadib markii gaadiid caro jaris ku sameynayey jidcadayaasha laamiga ka baxa ee gala degmooyinkaasi ay jareen Tubooyinkii biyaha qaadayey.

Waxaa la arkayaa shacab badan oo kuu sheegaya iney kasoo lugeeyeen xaafadaha qaar ee Muqdisho, kadib markii gaadiidkii ay la socdeen uu magaalada usoo gudbi waayey.

Tani ayaa imaaneysa xilli maanta oo Talaado ah lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dhaarinta xildhibaannada Labada aqal ee Baarlamaanka.

001 002 003

Goobjoog News