U bood dhigaalka

Internerka Koonfurta Dalka Oo Dib Usoo Laabtay

Sheeko:Dalka

Waxaa dib usoo laabtay internetkii Koonfurta dalka oo in ka badan 20 cisho maqnaa, kadib markii ay dhanka badda ka go’day xariggii fiber optic cable ee dhanka badda soo marayey.

Gobollada Koonfureed waxaa mar qura laga waayey Internetka kaasi oo saameyn weyn ku yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Dedaal dheer oo la sameeyay waxaa lagu guuleystay in dib loo sameeyo, islamarkaana Internetka uu maanta dib ugu soo laabto hawada.

Dadka ugu badan ee uu saameeyay Internetka waxaa kamid ah ardayda, dadka sida gaarka ah ugu shaqeyn jirey Internetka sida xawaaladaha, shirkadaha duulimaadka iyo kuwo kale oo badan.

Goobjoog News