U bood dhigaalka

Internet-ka Soomaaliya oo Cillad Heshay

Sheeko:Amniga

Internet-ka guud laga adeegsado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney cild heysato, iyada oo la filayo in la hagaajiyo saacadaha soo socda.

Shirkadda Hormuud ayaa qoraal ay macaamiisheeda u dirtay ku sheegay in ay jirto cilad xagga Internet-ka ah

“Macaamiisha sharafta leh waxaan ka raaligelineynaa in cilad bixin saacado qaadaneysa awgeed culeys ama hakad ku iman doono adeegga Internet-ka”.

Adeegga Internet-ka ee shirkaddan aya ala adeegsadaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News