U bood dhigaalka

Interpol oo Gacanta Ku Dhigay Hub iyo $460 Milyan oo Sharci Darro ah

Sheeko:Caalamka

Booliska Dambiyada Caalamiga ah ee Dunida ‘Interpol’ ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen lacago sharci darro ah oo gaaraysa illaa 460 Milyan oo doolar iyo hub fudud oo isna gaaraya illaa 300, howlgallo ay sameeyeen oo ay kaga soo horjeedaan tahriibinta hubka iyo lacagaha sharci darada ah..

Xoghayaha Guud ee Interpol Jurgen Stock ayaa ka hadlay howlgalkan, waxa uuna yiri; “Howlgalka aan sameynay waxaan ku qabanay malaayiin doolar iyo boqolaal hub ah oo ku jiray gacmaha dad dambiilayaal ah iyo kooxo looga cabsi qabo iney argagixiso yihiin”.

Bayaanka Interpol ka soo baxay oo ay daabacda walaaladda wararka ee AFP ayaa lagu xusay in lacagahan qaarkood ay ku socdeen meelo dagaallo ka socdaan oo lagu muran san yahay.

Howlgalkan oo la magac baxay howlgalka dhalanteedka ama “Illusion” ayaa waxaa ka qeybgalay 70 dowladood oo aan magacyadooda la shaacin, waxa uuna socday 19 September illaa 17 October ee sanadkan.Booliska Dambiyada Caalamiga ah ‘Interpol’ ayaa fadhigiisu yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Goobjoog News