U bood dhigaalka

IOM Oo Dalbatay 24.6 Milyan Oo Lagu Caawinayo Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Xafiiska socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay dalbadeen illaa 24.6 Milyan oo Dollar si loogu gargaaro abaaraha ka jira Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay Jimcihii soo saareen xafiiska International Organization for Migration (IOM) waxaa ay sheegeen in Soomaaliya ka jirto abaar la mid ah tii ka dhacday 20111-kii, taas oo ay ku dhinteen in ka badan 205.000 oo qof. IOM  waxaa ay ay sidoo kale leedahay, waxaa jiro dad deegaankoodii ugu cararay cunto iyo biyo la’aan, haddii dadkaas aan la caawinna ay khatar ugu jiraan in ay cudurro iyo geeri soo wajahaan, sidaasi waxaa yiri  Dujarric oo ka tirsan xafiiska IOM.

Illaa waddao ka badan  166 dal oo xubno ka ah, korjoogayasha iyo dalalka ayaa ku baraarugay khatarta abaarta kadib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo u dhawaaqay in dalka uu galo xaalad musiibo qaran.

Goobjoog News