U bood dhigaalka

IOM Oo Qalab Ku Wareejisay Kalluumeysatada Gobalka Bari

Sheeko:Dalka

Hay’adda IOM ayaa maanta wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ku wareejisay Hool weyn oo ay u dhistay Kalluumeysata gobalka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo sidoo kale doonyo dheereeya oo loogu tala galay in loogu gurmado Kalluumeysatada hadii ay badda gudaheeda qatar kusoo wajahdao.

Munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa lagu wareejiyay Howlkaasi iyo sidoo kale Doonidaasi.

Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Ismaaciil Saciiid Cali oo ah ku simaha madaxa IOM, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay garab istaagaan Kalluumeysatada Boosaaso.

“Waxaan horay u sheegnay in IOM ay saaxiib dhaw la tahay Kalluumeysatada, lana sii ahaan doonto, horay tababaro ayaan u qabanay Kallumeysatadaan, maanta Hool ay ku nastaan Kalluumeysata markii ay badda kusoo daalaan ayaan wareejineynaa iyo doon dheereysa oo lagu badbaadiyo Kalluuemysatada hadii ay xaalad adag soo wajahdo” ayuu yiri Ismaaciil Saciid.

Gudoomiyaha Iskaashatada Wadajir ee gobalka Bari Maxamed Cabdi ayaa ammaan u jeediyay IOM iyo sida ay u garab taagantahay Kalluumeysatada, waxaana uu sheegay in wax badan horay loogu qabtay.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gobalka Bari, oo ammaan u jeediyay IOM, sheegayna in meesha ay ka muuqato taageerro badan oo loo sameeyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo shacabka ka shaqeysta Badda.

Goobjoog News