U bood dhigaalka

iPhone oo soo saartay todobaadkan  ilaa 9 adeeg oo cusub

 Adeegyadan oo ka mid ah waxyaabaha ay jecelyihiin dhalinyarada ayaa in badan soo jiitay dadka adeegsada Mobillada loo yaqaano iPhone.

Adeeggan waxaa heli doona dadka adeegsada: Apple iPhone 6s, Apple iPhone 6s Plus, iPhone 4s, Apple iPhone 5, Apple iPhone 5s, Apple iPhone 6 iyo Apple iPhone 6 Plus

 Live Photos: Adeeggan oo la sheegayo in uu yahay 1.99 waxaa loo adeegsan karaan in sawirrada aya vedio ahaan noqdaan.

Cloud Hub: adeeggan Cloud Hub waxaa keydinayaa  documentiyada iyo file, waana adeeg aad u xiiso badan qiimaha waa 0.99

Nanotech Notes: Adeeggan oo qiimahiis lagu sheegay 2.99 waxaa uu fursad kuu siinayaa in aad sawiro afkaarta maskaxdaada ku jirto.

Hue Widget: oo qiimahahiisa uu yahay 1.99, waxaa uu adeegan fursad kuu siinayaa in aad Conrosho iftiinta guriga.

Wonderoom: qiimahiisa waa 0.99  waxaa loo adeegsadaa jarjaridda sawirka iyo wixii la mid ah.

AnyScan converts : Qiimaha waa 0.99 waxaana loo adeegsadaa in la Scan gareeyo wax walbo oo Mobilka ku jira.

Weather Now: qiimaha 3.99 waxaad ku ogaan kartaa cimilada 48 saac ee soo socota.

Tank Super Wars: waa game qiimahhiisa uu yahay 9.99, waxaa uu fursad kuu siinayaa in uu ku dhexgeeyo 90-naadkii.

IQ Test Pro: oo ah adeeg qiimahhiisu yahay 1.99 waxaa ku jira 39 su’aal oo aad ku tijaabin karto shaqada maskaxda iyo in aad aqoon leedahay.