U bood dhigaalka

IPSOS: Hoos Ayey u Dhacday Kalsoonida Ay Soomaalida Ku Qabeen Farmaajo iyo Kheyre

Sheeko:Dalka

IPSOS oo shirkad laga leeyahay Mareykanka iyo Farsight Africa Research oo ah shirkad Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah u sameeyey baaritaan ah sida ay dadka Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin hey’adaha iyo mas’uuliyiinka dalka.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qoraalka ku soo baxay waxaa ka mid ahaa: in dadka Soomaaliyeed ay kalsoonidii kala laabteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo  iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Tusaale ahaan: Madaxweyne Farmaajo 2017 dadku waxaa ay kalsooni ku qabeen 86% halka 2018 ay kalsoonida hoos u dhacday oo ay gaartay 67%.

Ra’isul wasaare Kheyre sanadkii 2017-dii, kalsoonida lagu qabay waxaa ay qaareysay 83% halka sanadkan ay hoos u dhacday oo ay gaartay 62%.

Hey’adaha Dowladda ayey sidoo kale sheegeen sida ay dadka kalsooni ugu qabaan, Baarlamaanka federaalka ah sanadkii hore waxaa ay heysteen kalsooni ah 73%, sanadkan waa 50%, golaha xukuumadda 2017-kii waxaa ay kalsooni heysteen 86% halka 2018 ay heystaan 49%, garsoorka sanadkii hor waxaa uu ahaa 79% halka sanadkan uu yahay 36%.

Ciidamada oo kale, Booliiska waxaa ay kalsoonidooda aheyd 2017-kii ilaa 74% halka sanadkan ay hoos ugu dhacday 61%, xoogga dalka sanadkii hore waxaa ay kalsoonida dadka gaartay 88% halka sanadka ay hoos ugu dhacday 63%.

Qaramada Midoobey iyo  AMISOM: Qaramada midoobey sanadkii hore waxaa ay dadka kalsooni ku qabeen 73% halka sanadkan uu yahay 48%, AMISOM kalsoonida ay dadku ku qabeen 2017-kii waxaa ay aheyd 59% halka 2018 ay hoos ugu dhacday 39%.

Goobjoog News