U bood dhigaalka

Iran: 66 Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Burburtay

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhimatay diyaarad ay leedahay Iran oo ku burburtay  buuraleyda waqooyiga gobolka Asfahan ee bartamaha dalkaasi xilli ay ku guda jirtay safar gudaha ah.

Guud ahaan waxaa dhintay dadkii safarka ahaa ee diyaaaradda saarnaa, kuwaasi oo tiradooda ay gaareysay 60 rakaab ah oo lagu daray 6 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.

Diyaaradda burburtay ayaa waaa diyaaridii ugu dambeeyay oo ay Iran heshay kadib saxiixii heshiiska Nuclear-ka  oo ay Iran la gashay 6 dowladood ee waaweyn sanadkii 2015-kii, diyaaraddan ayaa nooceeda waxaa uu ahaa  ATR-72.

Afhayeen u hadlay ciidamada gurmadka degdegga ah ee Iran ayaa sheegay in diyaaradda la waayey 20 daqiiqo ka dib markii ay ka duushay garoonka magaalada Tahran iyada oo ku sii jeeday magaalada Yasuj,  koofur Galbeed ee dalka.

Ilo wareedyo ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaaradda ay ku dul dhacday goob buuroley ah,  kooxaha badbaadinta ayaa aaday meesha ay diyaarddu ku dhacday iyaga oo wata diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Goobjoog News