U bood dhigaalka

Iran, Isra’il Iyo Argigixisada Waa Ajenadaha Shirka Jaamacadda Carabta

Sheeko:Dalka

Shir madaxeed jaamacadda carabta ee Urdun ayaa maanta la filayaa in looga hadlo faragelinta Iran ku heyso dalalka carabta, dhibaatada ay Isra’il ku heyso Falastiin iyo dhulkeeda iyo waxa loogu yeero argigixisada.

Shirkan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo ay dhibaatooyin ka jiraan dalal 4 afar ah oo ku jira ururka sida: Yemen, Ciraaq, Libya iyo Suuriya, waxaa kaloo Carabta dhexdooda ka jira kalsooni la’aan.

Arrimaha Ugu Muhiimsan Shirka:

Madaxda Timid: in ka badan 16 boqor iyo madaxweyne ayaa ka soo qeybgalay shirkan Urdun, arrintaas oo carab badan ay niyad wanaag ka muujiyeen.

Kulamada Gaar Ah: Waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ay yeeshaan madaxda dalalka Carabta ee shirka tagtay, iyada oo dalalka qaar ay dhici karto in ay halkaas si hoose ugu wada hadlaan.

Xiriirka Sacuudiga iyo Masar: sanadihii dambe, xiriirka Masar iyo Sacuudiga ma aheyn, mid wanaagsan, in kasta oo Sacuudiga uu ka mid ahaa dalalkii taageeray inqilaabkii lagu tuuray Maxamed Mursi hadana xiriirka markii dambe mugdi ayaa ku jiray, Waxaa shirkan laga fili karaa in labada mas’uul bog cusub u furan xiriirka labada dal.

Arrinta Suuriya Ma Sahlana: Carabta dhibaatada ugu weyn waxaa ay ka heysataa Suuriya, Calanka in la taago iyo in kale ayaa muran la geliyay, waxaa dalkaasi faragelin ku haya Ruush-ka, Mareykanka iyo xulafadiisa, Iran iyo dalal kale, Bashaarna xiriir lama laha madaxda Carabta oo go’doomin ayuu ku jiraa, marka waxaa aad u fog in Carabta dal dhaw gaaraan.

Arrinta Libya: Ra’isul wasaaraha Libya ee qaramada midoobey aqoonsan tahay markii uu tagay shirka, waxaa diiday in uu soo dhaweeyo safiirkii Libya ee Urdun, Libya waxaa ka jirta 3 xukuumad, waana dhibaato xalkeeda u taallo Carabta iyo Caalamka.

Soomaaliya: Arrinta la yaabka leh, waa xaaladda Soomaaliya oo aan looga hadleyn shirka, iyada oo ay Soomaaliya ka jirto abaar daran, isla markaana aan ajendaha ku jirin. madaxweyne Farmaajo waxaa uu ka qeybgalaa shirkan markii ugu horreysay isaga oo halkaas ku baran doona madaxda Carabta.

Ajendayaashan carabta waxaa uu ka duwan yahay waxa laga hadli jiray muddo 10 sano ka hor ah, Xilligaas waxaa ay Jaamacadda carabta xoogga saari jireen sidii loo heli lahaa ciidan carbeed, ganacsi isu furan, Lacag mid ah iyo arrimo kale oo xillgan xitaa ka hadalkooda uu yahay mid mustaxiil ah.

Goobjoog News