U bood dhigaalka

Iran Iyo Sacuudiga Oo Weli Isku Khilaafsan Arrimaha Xujeyda

Sheeko:Dalka

Wafti ka socda Iran ayaa ka laabtay dalka Sacuudiga iyagoo wax heshiis ah aan kala gaarin arrimaha xujeyda.

Sacuudiga iyo Iran ayaa ku guuldareystay  in ay saxiixaan wax heshiis ah mar labaad oo labada dhinac ay isku horfariistaan qaab fool ka fool ah.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday kadib markii Xajkii tahay ay boqolaal Iraaniyiin ah ku dhinteen Mina halkaas oo dadka ay is buurteen, waxaa kaloo jirtay in Riyadh ay xiriirka u jartay Tahraan kadib markii la weeraray Safaaradda Sacuudiga ee dalkaasi, arrintan oo ka dambeysay dilkii wadaad Shiico ah oo u dhashay Sacuudiga.

Waxaa Lagu wadaa in kulan dambe ay isugu yimaadaan labada dhinac, iskuday la sheegay in uu noqonayo markii ugu dambeysay.

Goobjoog News