U bood dhigaalka

Iran Oo Dacwad Ka Dhan Ah Mareykanka U Gudbisay Qaramada Midoobay

Sheeko:Dalka

Iran ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay u gudbisay dacwad taasi oo ay uga dacwooneyso Mareykanka inuu faro-gelin ku hayo arrimaheeda.

Wakiilka Iran u fadhiya qaramada midoobay Gulaam Cali ayaa fariin u gudbiyey xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres,isaga oo u sheegay in maamulka Mareykanka uu wado isku dayo balaaran ee lagu faro galinayo arrimaha gudaha ee Iran.

Arrinaani ayaa imaanaya xilli aqalka cad uu sheegay in cuna-qabateyn lagu soo rogay dadkii ku lugta lahaa dibad-baxyo ka dhacay Iran iyo in lacaburiyey dadkii dibad-baxyaasha ahaa.

Wakiilka Iran u qaabilsan qaramada midoobay ayaa dhanka kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay korortay maamulka Mareykanka uu hogaaminayo Donad Trump faro-gelinta qaawan oo uu ku hayo arrimaha gudaha Iran,isaga oo ku marmarsiyoonaya inuu taageero siinayo xukuumadda sidii look ala burin lahaa dibad-baxyaasha.

Diba-baxyo ayaa waxaa ay ka dilaaceen maalmihii ugu dambeeyay magaalada ugu weyn Iran,iyaga oo dibad-baxyaasha ku fiday guud ahaan dalka.