U bood dhigaalka

Iran Oo Iskuullada Ka Mamnuuceysa Barashada Luqadda Englishka

Sheeko:Dalka

Madaxda dalka Iran ayaa mamnuucay in lagu dhigo iskuullada hoose luqadda Englishka, waxayna timid arrintani ka dib markii hoggaamiye diimeedka Iran Cali Khumeyni iyo kooxdiisa ay ka horyimaadeen barashada Englishka waxayna ku sheegeen mid ka mida duulaanka dhanka dhaqanka ee reer galbeedka.

Madaxa golaha sare ee waxbarashada Iran Mahdi Nawiid ayaa sheegay in barashada luqadda Englishka dugsiyada hoose ee dowladda iyo kuwa aan doladda laheyn oo aan aheyn manhajka Iran uu yahay mid ka hor imaanaya sharciga.

Waxaa uu intaasi ku daray in barashada Englishka ee dugsiyada hoose ay tahay mid aan la ogoleyn badalkeedana loo dhigi doono maadooyinka ka hadlaya dhaqanka Iran.

Cali Khumeyni ayaa qudbad uu jeediyey bishii May 2016 waxaa uu ku cambaareeyay dhiiro galinta loo sameynayo luqadda Englishka,isaga oo tilmaamay in dalka,dhallinyarada iyo caruurta lagu dhex faadinayo dhaqamo shishiiye.

Khumeyni oo sii hadlay ayaa tilmaamay in Luqadda Englishka kaligeyd aysan aheyd luqadda Cilmiga.

Cali Khumeyni ayaa sheegay in wadanka UK uu ka mid yahay wadamada u sameeya xayisiinta luqadda Englshka waxayna ku tilmaantaa inay tahay luqadda Cilmiga,Khumeyni ayaa hoosta ka xariiqay inay tahay luqaddaan luqadda dadka aan aqoonta laheyn waa sida uu u dhigay hadalkiisa.

Goobjoog News