U bood dhigaalka

Iran Oo Sheegtay Inay Ka Jawaabi Doonto Haddii Mareykanka Uu Argigixso Ku Tilmaamo Al-xirsi Al-Thowri

Sheeko:Dalka

Iran  ayaa ka digtay inay si awood leh uga jawaabeyso haddii Mareykanka uu ku daro  ciidamada Loo yaqaano Al-xirsi Al- Thowri kooxaha argigixisada ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegtay in jawaab celinta Dahran ay noqon doonto mid cad balse wax faafaahin dheeraad ah wasaaradda ma sii bixin.

Waxaa lagu wadaa inuu daaha ka rogo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump todobaadka soo socda go’aankiisa ugu dambeeyo ee ku aadan sida uu ula maacaamilyo Dahran.

waxaa jira sidoo kale tilmaamo sheegaya in maamulkiisa uu ku tilmaami doono ciidamada Al-xirsi Al-Thowri koox argigixisa ah.

Waxaa la filayaa inuu ka baxo Trump heshiiskii 15 October ay wadagaleen Iran iyo dowladaha waaweyn kaasi oo ku saabsanaa barnaamijka Nukliyeerka Iran, waana tallaabo keeni karta inuu burburo heshiiskaan kasi oo la gaaray sanadkii 2015 kii.