U bood dhigaalka

Is Badal Laga Dareemaayo Qiimaha Mobillada Smart Phones-ka Ee Muqdisho

Telephoonnada casriga oo looyaqaano Smart  telephone ku waas oo lagu iibiyo suuqyada magaalada Mugdisho ayaa waxaa laga dareemayaa isbadallo waaweyn oo ku aadan inay qiimahooda uu sare u kac ah halka qaarna ay ka maqanyihiin suuqyada.

Bashiir Cabdullaahi oo ka mida ganacsatada iibiya Moobeylada Smart phonka ayaa Goobjoog News uga warramay Moobaylada laga dareemaya qiimo koraraka “Suuqa waxaa ka jira isbadallo badan ,waxaan keenaa noocyada Telephoonada Shirkadaha suuqa way koobiyaynayaa moobilada waxayna ku keenayaan qiimo raqiis ah”

Gnacstada iibisa telephanada ayaa waxay mararka qaar ay kala kulmaan caadis dhanka qiimaha ah Shirkadaha keena Telephonnada kuwaas oo ku keeni qiimo yar waxayna ku qasbanyihiin in ganacstada iibisa Telephoonnada ay iygana ay raqiisiyaan si aysan ugu dhicin maacaamiil la’aan.

Telephonnada ka maqan suuqa ayaa waxaa ka mida Telephoonka loo yaqaano G1 oo ah Telephoonada loogu isticmaalka badanyahay , isagoo qiimo ahaan suuqyada magaalada Mugdisho kamarayay lacag dhan $ 80 dollar waxaana soo saarta Shirkadda Sumzung.

Dhanka kale Telephoonada laga dareemaya sore u kaca waxaa ka mida  Telephonnada G5,iyo G7 kuwaas oo aad ay ukaceen qiimahooda waxayna qiimo ahaan suuqyada ay ka joogeen lacag dhan $145 dollar  haddana waxay marayaan $155 dollar.

Ganacsata iibisa Telephonnada Smatiga ayaa waxay u sababaynayaan qiimo korarka ku yimid qiimaha lakala siisto Teleohonnada  suuqyada magaalada Mudisho dhanka Shirkadaha soosaara oo iyagu markay doonaan lacag ku daro.

Goobjoog News