U bood dhigaalka

Is Rasaaseyn Dhexmartay Ahlu Sunnah iyo Ciidamada Dowladda ee Gobolada Dhexe

Sheeko:Dalka

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena magaalada Dhuusamareeb, Ciidamada Ahlu Sunna ayaa maanta hawlgalo ka sameeyey deegaano ka baxsan magaalada oo ay maalmo ka hor qabsadeen, taasina waxa ay dhalisey isku dhac dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.

Warka waxa uu intaasi ku darayaa in is rasaaseyntu ay ka dhacday deegaanka Mareer Guur halkaasi oo fariisin yar ay ku lahaayeen ciidamada dowladda.

Sida uu Goobjoog News mar sii horeysey u sheegey afhayeenka Ahlu Sunna, waxa uu ururkooda doonayaa in ay la wareegeen dhamaan goobihii ay horey oga talin jireen ka hor inta aysan ciidamada dowladda ka saarin meelo badan.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkani kooban ee maanta dhacay, balse waxa ay tani muujineysaa in xiisad dagaal ay oogantahay xili dowladda federaalka ay sheegtey in ay talaabo cad ka qaadi doonto ciidamada qabsaday Dhuusamareeb.

Goobjoog News