U bood dhigaalka

Is Sharaxaadda Jawaari Iyo Jeylaani Kadib, Akhriso Waxqabadkoodii Baarlamaankii 9-aad

Sheeko:Baarlamaanka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen guddiga doorashada golaha shacabka, murashaxiinta arjiyadooda la qabtey waxaa ku jira guddoomiyehii hore ee golaha shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisii koowaad Jeylani Nuur Ikar.

Qoraalkan waa waxqabadkii baarlamaanka 9-aad oo dhameystiran, waxaa ku jira warbixintan waxqabadka ay ku faaneen labadaasi mas’uul in ay qabteen 4tii sano ee la soo dhaafey.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u khudbeynaya golaha shacabka xilligii uu musharrax ahaa waxaa uu yiri ”Himilada aan tiigsanayo ee kale waxaa ka mid ah inaan dhiso gole shacbi oo ku shaqeynaya rabitaanka shacbiga, lehna ajanda sharci dajin muddeysan iyo guddiyadda shaqeynaaya si loo soo celiyo sharaftii iyo heybaddii  goloha shacbigu, loona kasbado kalsoonida dadweynaha, abuurnana xasilooni siyaasadeed oo lagu gaari karo horumar, dhaqan dhaqaale, amni iyo cadaalad”.

Isla khudbaddaas waxaa uu ku sheegay “Iyadoo laga cibra qaadanayo, khibradii laga soo kasbaday golohii aan xilka kala wareegnay, waxaa laga  maarmaan ah inaan u horseedo in  xildhinaanada loo xaqiijiyo in la siiyo mushaar iyo gunnooyin ku filan oo aan kala go ama la daahid midna lahayn”.

Hadaba, waxaan akhristayaasheenna xusuusin doonnaa waxqabadkii baarlamaanka 9-aad ee labadaasi mas’uul ee Jawaari iyo Jeylaani ay hoggaanka u hayeen ee 4tii sano ee la soo dhafey.

Shaqada Baarlamaanka: Inta badan shaqada golaha shacabka waxa lagu soo koobaa 3 arin: Sharci dajinta ama Meel marinta sharciyada, dib u eegista sharciyada, la xisaabtanka shaqada xukuumadda iyo matalaadda shacabka oo ay ka midtahay hormarinta goobaha laga soo doortay.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka, markii aan weyndiiney sabata 4 sano ay intaasi u qabteen, waxaa ay ku ay ku doodayaan in xukuumadda aanay u keenin sharciyo badan, kuwii horey loogu keeneyna ay ceshatay xukuumad kasta oo timaada.

Mooshin Joogta ah: Xildhibaanno badan oo la Hadley Goobjoog News waxaa ay sheegeen in labo xukuumad ay u rideen waxqabad la’aan iyo si ay uga shaqeeyaan xasilooni siyaasadeed.

4tii sano ee baarlamaanka federaalka ah uu jiery  waxaa uu riday 2 xukuumad,  waxaa ay kalsoonida kala noqdeen Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 2 December 2013 halka December 6, 2014 ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, madaxweyne Xasan naftiisa 2 mar ayey mooshin ka keeneen, waxaa intaa dheer Kutlooyin badan iyo xulufeysi baarlamaanka ka dhex jiray oo hakad geliyay shaqadii baarlamaanka 9-aad.

Matalaadda Shacabka: Golaha shacabka waxaa uu warbixin ay soo saareen ku sheegeen  in Xildhibaannada ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada waxaa ay Goobjoog u sheegeen iney u tagi waayeen deegannaadooda sababo al xiriira xagga amniga,

Sida ku cad xogta rasmiga ah ee aan heyno boqolkiiba %18 oo xildhibaanada ka tirsan ay booqdeen deegaanadii laga soo doortey, meelaha ay booqdeena waa 10 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka.

Saacadaha Shaqada: Waxyaabaha lagu eedeeyo guddoomiyaha Jawaari  iyo guud ahaan guddoonka ayaa waxaa ka mid ah in ay awoodi waayeen in xitaa la dhawro saacadaha shaqada baarlamaanka, waxaana jirta in baarlamaaanka uu inta badan shaqeeyo wax ka yar 3 saacadood.

Markasta oo uu kalan jiro waxaa caado iska noqotey in kulanka uu furmo 12:00 PM iyo wixii ka dambeeya, sanadkii oo dhan baarlamaankii 9-aad waxa uu  shaqeeyn jiray wax ka yar 216-saacadood, waxaana jirta in saacadihii ay tahay in uu baarlamaaanka shaqeeyo ay yihiin 1792-sacadood sanadkii ugu yaraan.

Waxaa halkaa kaaga soo baxaya in baarlamaanka shaqeeyo oo kaliya %12 boqolkiiba saacadihii loogu talogalay in uu shaqeeyo, waxaase kaaga sii daran in waqtigaasi yar ee boqolkiiba 12% ah in intiisa badan lagu qaatoey mooshin iyo muran!!

Guddiyada Baarlamaanka: Dhinaca shaqada Guddiyadii golaha shacabka, 4-dii sano ee lasoo dhaafay shaqo fiican ma qaban guddiyada kala duwan, Xildhibaanno guddiyadan ku jira waxaa ay ii sheegeen in ay  barnaamij-kii ay ku shaqeyn lahaayeen aanu lacag helin muddo badan iyagoo intaa ku daray in guddiyada Baarlamaanka aan loo  fududeyn shaqadooda, sida Tikit-yada si ay ula socdaan shaqooyinka loo xil saaray, arintaas waxaa ii xaqiijiay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa.

Xildhibaannadii baarlamaanka 9-aad waxaa Goobjoog News u sheegeen in kharashkii guddigiisa ku shaqayn lahaa muddo labo sano ay kaliya halmar heleen kharashka hal bil oo kaliya, taasina ay curyaamisey shaqadoodii.

Dhinaca kale, warbixin uu soo saarey baarlamaanka 9-aad dhammaadkii kalfadhiyadiisa waxaa uu shacabka u sheegey wixii ay qabteen 4-tii sano ee ay xilka hayeen.

Hadaba, Warbixinta hoose waa warbixinta golaha shacbka ay waxqabadkooda 4tii sano ku faafaahinayaan, akhriso ee qiimee?

Warbixinta uu baarlamaanka federaalka ah soo saarey waxaa uu ahaa kulankii ugu dambeeyay ee August 2016-kii yeeshaan, iyagoo ku shiray xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulankaas ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha baalramaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana xildhibaanada la hor keenay ajande ka kooban illaa 9 qodob oo ay ku jireen; sanadguurada 4aad ee baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo qeybinta koobniin warbixinta guud ee hawlqabadka baarlamaanka 9aad ee Soomaaliya laga soo bilaabo kalfadhigii 1-kalfadhiga 8aad.

Warbixintii oo qoraal Ah:

Baarlamaanka waxaa uu sheegay in ay xoogga saareen hirgelinta qorshayaal ay qorteen sida:

Xeer hoosaadka

Barnaamijka sharcidejinta

Tayo-kobcinta xafiiska guddoomiyaha

Sare u qaadista sugidda ammaanka

Dib u eegista dastuurka

Qaab-dhismeedka iyo shaqaale-u-yeelista xafiiska adeegga baarlamaani

Xiriir abuuris, wartabinta bulshada iyo wacyigelinta,

Xafiiska deegaannada doorashooyinka

Kaabayaasha iyo dhismoyaal

Waaxda barista shuruucda

Adeegga wartabinta, isgaarsiinta iyo tecknolijiyadda casriga ah ICT iyo maareynta xogta. 

 

Baarlamaanka iyo Arrimaha Sharci Dejinta:

Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka

Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaabxir sanadeed

Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 6 heshiis

Golaha shacabka  waxaa uus sameeyay la-xisaabtan iyo su’aalo weydiin xukuumaddaiyo saraakiisha dowladda ah

Villa Hargeisa:

Baarlamaanka warbixintiisa waxaa ku jirta in Villa Hargeisa ay leedahay 2 hool shirar, labo ka mid ah waxaa ku shiri karaan 150 qof halka midka kale  30 qof ku shiri karaan, masjid, maqaayad, xafiiska guddoomiyaha, ku xigeenka koobaad, 2aad, xafiiska madaxa guddoonka, waaxda ICT, waaxda shuruucda, hab maamuusta iyo warbaahinta, habdhowrka baarlamaanka….iyo xafiisyo kale.

Shaqaalaha Baarlamaanka:

Baarlamaanka 2012kii waxaa ka shaqeyn jirtay ilaa 53 shaqaale, hadda waxaa la sheegayaa in ay ka shaqeeyaan shaqaale gaarayaa ilaa 311 howlwadeen iyo 89 ka mid ah ay yihiin Haween.

Gaadiid:

Baarlamaanka waxaa uu sheegayaa in markii hore ay la wareegeen labo gaari balse maanta ay ka tagayaan ilaa 15 gaari oo isugu jira noocyada xabadaha Karin, kuwa ilaalada, kuwa adeegga oo isugu jira yar yar iyo waaweyn.

Matalaadda shacabka:

Golaha shacabka waxaa uu warbixinta ku sheegay in Xildhibaannada ay tageen ilaa 15 gobol kuwaas oo kala ah:

Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada hoose.

Baarlamaanka waxaa uu sheegayaa in ay jireen ilaa 213 booqasho, waxaa sidoo kale jirtay sida ay daabaceen ilaa 58 warbixin iyo Xildhibaanno koox koox ah oo markii ay soo noqdeen warbixin soo gudbiyay.

Dhageysiga Kulamada Dadweynaha ee Baarlamaanka:

Baarlamaanka warbixintiisa waxaa ku jirta in guddoonka uu la kulmay bulshada sida ardeyda Jaamacadaha, Haweenka, Dhalinyrada, ururada shaqaalaha, Naafada, ururada bulshada iyo xisbiyada dalka.

Madaxda Soo Booqatay:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Djabuti: Mudane Idiris Arnaud Ali

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mudane Axmed Davutoglu

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta: Mudane Axmed Maxamed Al-Jarwaan

Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq: Mudane Iyaad callaawi

 

Isbadalka Xildhibaannada Baarlamaanka 9aad:

Xildhibaannada Geeriyooday:

Mustaf Maxamed Cabdulahi, waxaa lagu badalay Osman Mohamed Abdulahi

Sheekh Nur Cali Adan, waxaa lagu badalay Aden Mohamed Ali

Maxamud Ismacil Barkhadle, waxaa lagu badalay Elmi Mohamed Nur

Maxamed Faarax Jimcaale, waxaa lagu badalay Ubax Tahlil Warsame

Xuseen Cabdislaam Axmed, waxaa lagu badalay Sheekh Axmed Kosar Elmi

Omar Islow Maxamed, waxaa lagu badalay Ahmed Omar Islow

Maxamed Warsame Maxamed, waxaa lagu badalay Abdirisaq Mohamed Warsame

Hasaan Muhumed Ali, waxaa lagu badalay Mohamed Aden Waaberi

Isaack Mohamed Ali Reno, waxaa lagu badalay Raabaca Sheekh Nuurow

Abdirisack Isack Mursal, waxaa lagu badalay Omar Ali isaq

Mohamed Mohamud Heyd, waxaa lagu badalay Saciid Mohamed Mohamud

Saado Ali Warsame, waxaa lagu badalay Mohamud Du’aale Muuse

Sheekh Aden Madeer, waxaa lagu badalay Mukhtar Mohamed Molaim Hasaan

Mohamed Ibrahim Habsade, waxaa lagu badalay Abdweli Mohamed Ibrahim

Abdulahi Qayaad Barre, waxaa lagu badalay Mohamed Ali Daheeye

Abdi Mohamed Ali, waxaa lagu badalay Mohamed Abdi Mohamed

Omar Ali Nur, waxaa lagu badalay Qaasim Ali Nur

Mohamed Du’aale Muse, waxaa lagu badalay Mohamed Hesri Du’aale

Huseen Mohamud Muse Bantu, waxaa lagu badalay Abdulahi Husein Mohamud

Yusuf Dirir Abdi, waxaa lagu badalay Guuleed Hasan Dirir

Abdulahi Huseen Mohamud Muuse, Lama buuxin

Abdi Mohamed Abtidoon, waxaa lagu badalay Abdirahmaan Mohamed Husen Odowaa

Mohamed Ahmed Gurhan , waxaa lagu badaly Mohamed Abdi Mohamed

Sadiq Abdikarim Mohamed, waxaa lagu badalay Cali Ise Nur

Huseein Warsame Samatar, Waxaa lagu badalay Abdi Shire Jama

Abdulahi Jaama Huseen, waxaa lagu badalay Mohamed Aden Qalabxoor

Mohamed Mohamed Guur,

Burci Mohamed Hamze, Waxaa lagu badalay Hasza Saciid Hamza

Xildhibaannada Is Casilay:

Mohamud Ahmed Nur Tarsan, waxaa lagu badalay Osman Mohamud Dufle

Hassan Sheekh Mohamud, waxaa lagu badalay Abdulahi Ali Mohamud

Huseen Khalif Jama, waxaa lagu badalay Abdfitah Muse Nur

Abdiweli Mohamed Ali Gaas, waxaa lagu badalay Yasin Abdi Seed

Bashir Mohamed Jama, waxaa lagu badalay Kassim Mohmaed Jama

Ahmed Ismacil Samatar, waxaa lagu badalay Hasan Mohamud Ali

Siyaad Mohamud Shire, waxaa lagu badalay Faarax Cawad Jaama

Mohamed Qanyare Afrax, waxaa lagu badalay Abdiweli Mohamed Qanyare

Muse Hassan Abdulle, waxaa lagu badalay Maxamud Cali Dhuux

Ismacil Hassan Jama, waxaa lagu badalay Fowsiyo Yusuf Xaaji Aden

Abdulahi Mohamed Hersi, waxaa lagu badalay Abdikarim Daahir Hersi

Cali Khalif Galeyr, waxaa badalay Yusuf Mohamed Ali

Sharif Hassan Sheekh Aden, waxaa badalay Abdukadir Hasaan Sheekh Aden

Bashir Mohamed Jama, waxaa badalay Kasim Mohamed Jama

Hassan Abshir Farah, waxaa badalay Abshir Hasan Abshir Faarah

Kasim Mohamed Jama, Bashir Mohamed Jama

Intaasi waa waxqabadkii baarlamaanka 9-aad, waxaanu sugeynaa bal isbadalka ay sameeyaan baarlamaanka 10-aad oo lagu daro dalka oo markii ugu horeysay yeeshay aqal sare.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye