U bood dhigaalka

Isbaarooyin la Soo Dhigay Wadada U Dhaxeysa Muqdisho Iyo Jowhar

Sheeko:Dalka

Waxaa istaagay gaadiidkii ka amba bixi jiray Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,kuwaasi oo rakaabka u soo qaadi jiray Muqdisho.

Sababta gaadiidka u istaagay ayaa lagu sheegay qiimaha lacagta ee lagu imaan jiray Muqdisho oo la kordhiyay, waxaana markii hore dadka lagu soo qaadi jiray lacag dhan 150 oo Shilin Soomaali ah balse hadda waxaa laga dhigay 300 oo Shilinka Soomaaliga ah taasi oo keentay in Shacabka ay ka cabtaan arrintan .

Qaar ka mid ah dadka rakaabka ayaa sheegay in aysan awoodin in ay bixiyaan lacag dhan 300 boqol taasina ay keentay in gaadiidka uu istaago.

Gaadiidleyda ayaa dhankooda sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar la soo dhigay isbaarooyin badan oo sharci darro taasina ay ku xambaartay in qiimaha gaadiidkay ay kordhiyaan maadaama laga qaadayo lacago badan.

Goobjoog News