U bood dhigaalka

Isbaarooyinka Yaalla Shabellaha Hoose Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Saraakiisha AMISOM iyo Maamulka Koonfur galbeeed Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay wax ka qabashada Isbaarooyinka ku sii kordhaya wadooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka sh hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlayay Goobjoog News ayaa sheegay in Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM ee Gobolka Shabellaha hoose inuu shir gudoominayay kulankaa kaasi oo balan qaaday in ay gacan ku siinayaan sidii loo soo afjari lahaa isbaarooyinkaasi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in inta u dhaxaysa deegaanada leego ilaa Afgooye ay buuxdhaafiyeen isbaarooyinka oo uu sheegay in ay dhigteen Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay weheliyaan Maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan deegaanada isaga oo shaaciyay inuu jiro Qorshe Cusub oo la doonayo in wax looga qabto arintaasi.

Kulanka oo ahaa mid aad u ballaaran ayaa lagu ballamay in cagta la mariyo dhammaan Isbaarooyinka yaalla gobalka Shabellaha Hoose, islamarkaana ciidamada dowladda iyo AMISOM ay howlgal bilaabi doonaan.

Isbaarooyin badan oo shacabka lagu dhibay ayaa lasoo dhoobay deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, waxaana meelaqha qaar ay yihiin kuwo ay ka joogsadeen gaadiidkii safarka ahaa ee aadi jiray.

Goobjoog News