Isbadal Cusub Oo Lagu Sameeyay Taliska Booliska Galmudug

Dikareeto ka soo baxday taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa isbadal cusub lagu sameeyay guud ahaan taliska booliska dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha booliska Deeganada Galmudug ayaa waxaa loo magacaabay gaashaanle sare Cabdikariin Xuseen Macallin, waxaana taliye ku xigeen loogu magacaabay gaashaanle sare Maxamed Nuur Cali.

Sidoo kale waxaa taliyaha booliska gobalka Mudug loo magacaabay gaashaanle dhexe Qaasim Sheekh Doon Cali, waxaana gobalka Galgaduud taliye looga dhigay gaashaanle dhexe Saciid Muuse Daad.

Dhanka kale waxaa isbadal lagu sameeyay oo taliyayaal cusub loo magacaabay degmooyinka kala ah Dhuusamreeb, Balambal, Caabudwaaq, Guriceel, Xeraale, Hobyo iyo Matabaan.

Halkan ka akhriso magacaabista

Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday isbadalo lagu sameynayo talisyada kala duwan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW