U bood dhigaalka

Isbahaysiga Xisbiyada Dalka: Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha Waa Iney Xilalka Wareejiyaan

Sheeko:Dalka

Isbahaysiga xisbiyada dalka ka jira ayaa kulamo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho soo gebagebeeyay iyagoo ka soo saaray warmurtiyadeed ka kooban dhowr qodob.

Kulamadaan ayaa  diiradda lagu saarayay arrimaha doorashooyinka ee sanadkani la rabo in ay ka qabsoomaan dalka,

Isbahaybsiga xisbiyadu waxay ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka madaxweynenimo uu ku wareejiyo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari marka la gaaro 10 September oo ku beegan maalinta berrito ah.

Iyagoo u cuskanaya dastuurka KMG ee dalka u degsan ayay yiraahdeen Madaxweynuhu waa inuu xilka ku wareejiyo guddoonka baarlamaanka ahaan marka la gaaro maalinta berri ah.

“Isbahaysigu wuxuu caddeynayaa in madaxweyne Xasan Sheekh ay ka dhammaatay sharciyadii madaxtinimo wuxuuna isbahaysigu dalbanayaa in xilka madaxtinimo loo dhaariyo si KMG ah guddoomiyaha baarlamaanka sida ku xusan Qodobka 91-aad iyo 94-aad ee dastuurka, si loo ilaaliyo danaha isburinaya waa in Ra’iisul wasaaraha oo isna isu sharraxay Madaxtinimo xilka ku wareejinayaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka” ayay yiraahdeen xisbiyada.

Xisbiyada ayaa sidoo kale sheegay haddii ay sidaas dhici weyso inay sameyn doonaan kacdoon iyo dibadbaxyo ay ku codsanayaan in sharciga ama dastuurka la tixgeliyo oo aan meel looga dhicin.

Isbahaysiga xisbiyada waxay  ka digeen in hantida, ciidanka iyo warfaafinta qarankaba loo adeegsado musharraxnimada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Shirweynaha xisbiyada waxaa lagu bogaadiyey la dagaallanka boobka iyo dhaca hantida guud iyo midda gaar ahaaneed, isagoo sidoo kale ka digay in doorashooyinka la musuqmaasuqo.

Waxay ugu baaqeen shacabka inay ka hor yimaadaan Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku eedeeyeen in uu awood u adeegsanayo inuu mar kale ku soo laabto xilka madaxtinimo ee sanadkani 2016-ka.

Ugu dambeyn, waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM u jeediyeen inay xaqiijiyeen ammaanka isla markaana ay ogaadaan in Xasan Sheekh ay ka dhammaatay muddadii xilka taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida.

Goobjoog News