U bood dhigaalka

Hadliye: Isbaheysi Aan Ku Jirno Ayaa Mas’uul Ka Ah Qaxootigii Soomaalida Ahaa Ee La Dilay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in mas’uuliyadda Soomaalidii lagu dilay doonida ay qaadanayaa isbaheysiga la dagaallama Xuutiyiinta ee ay Soomaalida ku jirto.

Hadliye oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa uu codasay in baaritaan la sameeyo oo la ogaado ciddii ka dambeysay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen.

“Waxaa ka dhacay Yemen dhibaato wayn oo gaartay dad Soomaaliyeed oo Masaakiin ah, waxaan ku tala jirnaa inaan kala hadalno Dowladda Yemen Arrintaan, sidoo kalana Yemen waxaa looga fadhiyaa inay Jawaab cad ka bixiso Arintaan.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Mr. Hadliye ma sheegin mas’uuliyadda waxa ay tahay, waayo waxaa uu ka wareegtay in uu sheego in isbaheysiga dileen dadkaas balse waxaa uu isbaheysiga weydiiyay in ay sheegaan cidda dadka dishay haddii aanay iyaga dilin.

42-Qof oo Soomaali ah ayaa Wasiirku uu xaqiijiyay inay ku dhinteen Doonta la duqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad kale oo dhaawacmay kuwaas haatan lala tacaalayo Xaaladooda Caafimaad.