U bood dhigaalka

Isbaheysiga Sacuudiga Oo Iska Fogeeyay In Ay Dileen Qaxooti Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri oo ah afhayeenka isbaheysiga uu Sacuudiga horkacayo ee la dagaalaya Xuutiyiinta ayaa iska fogeeyay eedeynta ah in ay dileen 42 qof oo qaxooti ah, kuwaas oo la sheegay in Helicopter ku bar-tilmeedsatay badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen.

“Ma jirto xabad uu isbaheysiga aaggaas ku riday” sidaasi waxaa Arab News u sheegay Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri.

Doonnida waxaa ay saarnaa Soomaali u badan caruur iyo haween, waxaa ay ku sii jeedeen dalka Suudaan, laakin waxaa in ka badan oo dadkiisaasi ah lagu dilay duqeynta dhacday.

Doonta Soomaalida lagu laayey waxaa ay ka tagtay Ras Arra oo dhanka koonfureed ka xigta magaalada Xudeyda, marka duqeynta ay dhaceysay waxaa ay biyaha ku jirtay 50 KM oo ah meel ku dhaw Baab-Al-Mandab, waxaana la sheegayaa in markab military iyo Hilicopter ay xabado la dhaceen, qaxootigana halkaasi ku dileen.

Qaramada Midoobey hey’adda u qaabilsan qaxootiga waxaa ay sheegtay in 42 meyd ah la helay, iyaga oo intaa raaciyay in weerarka uu dhacay jimcihii 3 am.

Hey’addan waxaa ay leedahay Doonta waxaa  ka badbaaday illaa 75 rag ah iyo 15 haween ah oo loo celiyay goobo lagu xareeyay oo Xudeyda ka tirsan.

Dowladda federaalka ah weli kama hadlin dadka qaxootiga ah ee lagu laayey badda, ehellada dadkaas oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay weydiinayaan “Maxaa loo dilay dadkeena, Yaase dilay?

Goobjoog News