U bood dhigaalka

Isbarbardhigga Booqashada Talyaaniga Ee Ra’isul Wasaare Abiy Iyo Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Labo bil ayaa u dhaxeysa booqashadii uu madaxweyne Farmaajo ku tagay Talyaaniga iyo midda ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Goobjoog News ayaa Isbarbardhig ku sameysay natiijada labada booqasho.

Marka hore, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxaa uu maalmihii tagay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Talyaaniga, isaga oo halkaasi kula kulmay madaxda dalkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella waxaa ay kulankooda uga wada hadleen arrimo badan oo xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhan walbo ah. Ra’isul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku booriyey Mattarella inay iskaashi ka sameeyaan dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga, warashadaha iyo dhismaha halka Sergio Mattarella uu Abiy ku ammaanay isbadalka uu ka wado geeska Afrika.

Kulan kale oo dhex maray ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo dhiggiisa Talyaaniga Giuseppe Conte marka laga soo xiriirka labada dal iyo iskaashi dhex mara, waxaa kale oo lagu heshiiyey in Talyaaniga ay maalgeliyaan waddo tareen oo isku xirta Addis Ababa – Massawa.

Intii uu Talyaaniga joogay waxaa kale uu Abiy Axmed la kulmay agaasimaha fulinta ee World Food Program Mr. David Beasley iyaga oo ka wada hadlay taageerada hey’addaasi ay siiso guud ahaan Itoobiya gaar ahaan ilaa 3.3 million oo ah oo Soomaalida Itoobiya ah.

Mas’uuliyiintii uu Abiy Axmed la kulmay waxaa ka mid ahaa agaasimaha hey’adda Qaramada Midoobey ee Food and Agriculture Organization(FAO) Mr. José Graziano da Silva, hey’addan ayaa balanqaaday xoojinta barnaamijyada ay ka wado Itoobiya sida ladagaalanka faqriga, helidda cuntada, xoojinta wax soo saarka beeraha, sare u qaadista wax soo saarka dalagga iyo qeybinta, waxaa kale oo isla soo qaaday isbadalka ka socda geeska Afrika ee isdhexgalka dhaqaalaha

Mr. Abiy Axmed waxaa uu sidoo kale la kulmay Mr. Gilbert F. Houngbo, oo ah madaxweynaha hey’adda International Fund for Agricultural Development (IFAD), hey’addan oo UNka leedahay xarunteeduna tahay Rome waxaa ay isla meel dhigeen cunto kaaftoonka, kor u qaadista dakhliga, taageerista beeraleyda yaryar iyo sidii ay hey’adda kor ugu qaadi laheyd taageerada ay siiso reer miyiga Itoobiya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya intii uu Roma joogay waxaa uu la fariistay madaxda shirkadaha ugu waaweyn, isaga oo ku dhiirigeliyey maalgeshiga warashadaha, beeraha iyo arrimo kale, Talyaaniga waxaa uu deyn ahaan Itoobiya u siiyey $25M.

Dhanka Soomaaliya, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talyaaniga booqasho saddex maalin ah ku tagay November 19, 2018, isaga oo la kulmay madaxweyne Mattarella, ra’iisul Wasaare Conti iyo afhayeennada labada aqalka.

Booqashadaasi waa midda keliya ee rasmiga ah ee Farmaajo uu ku tago dal reer galbeed ah, isaga oo gabagabadii ka dhahay  “Waxaan aad u mahadcelinayaa Madaxweyne Mattarella, Ra’iisul Wasaare Conti iyo Afhayeennada labada aqalka sida dirran ee ay noo soo dhaweeyeen aniga iyo wafdigayga. Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan sidii aan horumar faa’iido wadaag ah aan u gaarsiin lahayn labadeenna shacab.” .

Si ka duwan sida Adis Ababa, Muqdisho ma sheegin haba yaraatee wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa ay ku wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiintii uu la kulmay, sidoo kale ma jirin qoraallo rasmi ah iyo heshiisyo la shaaciyey oo la kala saxiixday.

Inkasta oo ay Farmaajo la socdeen wasaaradda arrimaha dibadda, agaasimaha madaxtooyada iyo shaqaalaha badan oo Villa Somalia ah, la-taliyeyaashiisa iyo diblomaasiyiin hadana ma jirin wax ka badan sawirro oo safarkaasi laga ogyahay.

Inka daa in saxaafadda iyo shacabka Soomaaliyeed lala wadaagee, xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa marar badan codsaday in la horkeeno heshiisyada uu galo madaxweynaha si loo ogaado, loona qiimeeyo.

Goobjoog News