U bood dhigaalka

Isbedal Laga Dareemayo Amniga Degmada Buuloburde, Hiiraan

Sheeko:Dalka

Taiska ciidamada Booliiska degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in amniga degmadaasi uu wanaagsan yahay, kadib markii falal amni darro ay ka dhaceen Toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Dhamme Cabdi Maxamed, Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Buuloburde ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Isbedalka dhanka ammaanka ah ayuu sheegay taliyaha in laga dareemayo Buulo—burde, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay soo qabteen rag kamid ah Al-shabaab.

Sidoo kale, taliyaha ayaa tilmaamay iney jiraan rag dhigayey miino gudaha degmada Buuloburde oo ay ciidamada soo qabteen, howlgalkana uu yahay mid habeen iyo maalinba socda.

“Howlgalka wuu socdaa, ammaanka aad baa loo adlkeeyay waxay, ciidanku rag badan bay qabteen oo nimanka nabad-diidka ah, sidii horena amniga waa uu ka wanaagsan yahay” ayuu yiri taliyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran ka waday degmada Buuloburde iyo deegaannada ku dhow.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada