U bood dhigaalka

Isbedal Xagga Amaanka Oo Laga Dareemayo Deegaanka Mareerey Ee Shabeelaha Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shabeelaha HooseMaamulka deegaanka Mareereey ee gobalka Shabeelaha Hoose yaa sheegay in amni balaaran uu xilligaan ka jiro deegaankaasi, ka dib markii howlgalo is xig xiga ay halkaasi ka sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sayid Baale oo ah gudoomiyaha deegaankaasi oo u waraay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in deegaankaasi la geeyay ciidamo badan oo ka mid ah kuwa xooga dalka Soomaaliya, taasina ay keentay in amniga uu aad isku bedalo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay sidoo kale in amni uu ka jiro deegaanada kale ee ku dhaw Mareerey, isaga oo tilmaamay in markii ciidamada xooga dalka la geeyay deegaano badan oo Shabeelaha Hoose ka mid ah, ay amniga wax badan ka qabteen.

“Ciidamada Milatariga ee la keenay ayaa kaalin ka qaatay in Mareerey iyo deegaano kale ay amaan ka dhigaan, waliba ilaa degmada Afgooye, malahan Isbaarto, mana lahan kooxihii dadka dhibka ku haayay, howlgalo la sameeyay waxaa lagu qab qabtay dad badan oo nabad diidka ka mid ah” ayuu yiri Gudoomiyaha deegaanka Mareereey.

Dhawaan ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay howlgal ka sameeyeen deegaano badan oo ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana la qaaday Isbaarooyin badan oo yaalay wadooyinka gobalkaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News