U bood dhigaalka

Isbeddel Lagu Sameeyay Jadwalka Doorashada Ee Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Qoraal kasoo baxay Guddiga madax bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubnaland ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay jadwalka xilliga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Jubbaland & tan guddoonka Baarlamaanka.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabaneyso diiwaangelinta musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka, maalinta berito ahna ay tahay Maalinta hadal-jeedinta musharixiinta,isla markaana jimcaha oo ku beegan 16-ka Bisha Agoosto la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.

Sidoo kale Guddiga doorashada Jubbaland ayaa waxa ay shaaciyeen in Maalinta Sabtida ah ee soo socota taariikhduna ku beegan tahay 18 Bisha Agoosto ay khudbaadahooda jeedin doonaan musharixiinta
Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana Axada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa 4-tii Bishii July ee sanadkaan waxaa ay soo saareen jadwalka doorashada jubbaland kaas oo qorshuhu ahaa in doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ay dhacdo 18 Agoosto halka doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan,hayeeshee waqtiyada la soo hormariyay

Halkaan ka eeg

Goobjoog News