U bood dhigaalka

Isbeddelka Itoobiya Soomaaliya Saameyn Maku Yeelan karaa?

Sheeko:Dalka

Waxyaabo badan ayey wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaas oo ah labo dal oo deris ah isla markaana wadaaga dhinacyada siyaasadda iyo amniga, iyada oo taasi jirto ayaa dadka ka faalooda arrimaha Africa waxa ay sheegayaan in ay saameyn ay ku yeelan karto isbeddelka ka dhacay Itoobiya Soomaaliya.

Dhawaan ayaa waxaa is casilay ra’iisulwasaaraha dalkaasi, waxa ayna aaminsan yihiin dad badan in Soomaaliya saameyn aan wanaagsaneyn ay ku yeelan karto xaaladda ka taagan Itoobiya. Prof, Axmed Maxamed ayaa arintani Goobjoog News uga hadlay waxa uuna yiri:

“Haddii ay burburto Itoobiya annaga dan nooguma jirto, maxaa yeelay horaa waxaa loo dhahay biyo kaa badan iyo col kaa badan waa ay ku hafiyaan, sababtoo ah boqol milyan haddii ay waayaan dowladnimadii xajineysay annagii oo dhan ayaa qatar galeyno, Jabuuti ayaa qatar galeyso, Soomaaliya sidoo kale qatar ayey galeysaa cid kasta oo xaduud la leh qatar ayay galeysaa”.

Itoobiya Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo aad u badan kuwaasi oo ku sugan gobollada dalka, qaarkoodna waxa ay ka mid yihiin ciidamada AMISOM waxa ayna ka caawiyaan dowladda Soomaaliya dhinacyada nabad-gelyada.

Dr Xasan Sheikh Cali oo ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa Goobjoog News uga warray saameynta ay Itoobiya ay ku yeelan karto Soomaaliya waxa uuna yiri:

“ Haddii Itoobiya ay dhibaato ka dhacdo oo qalalaaso ka dhaco, waxa ay nagu yeelaneysaa raad xun waxaa imaanaya dadka Itoobiyaanka ah in ay nagu soo qaxaan intee ayaan geyneynaa, dhulkeenna ayey sidii hirka u soo galayaan meel aan dajinno ma heyno dhulkana waa ay la wareegayaan”.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sanadkii hore wada-gaaray heshiisyo dhowr ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la iska kaashado dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

Goobjoog News