U bood dhigaalka

ISBEDELKA NOLOSHA

Sheeko:War

Sheekada Gorgorka: Waxa la sheegaa in Gorgorku ka mid yahay noolayaasha duula kuwa ugu cimriga dheer. Wuxu cimrigiisu gaadhaa 70 sano. Laakiin si uu da’daa u gaadho waa in uu maro marxalad aad u adag. Waxa la sheegaa marka uu afartan jirsado, waxa daciifa ciddiyihii dhaadheeraa ee uu ugaadha ku dafi jiray. Gaajo iyo macluul ayuu wakhtiga badankiisa ku dhammeystaa. Afkii dheeraa wuu soo qaloocsamaa. Baalashii oo gabow dartii cuslaaday waxa ay ku dhagaan laabtiisa, duulistii baa ku adkaata.

Halkaa marka xaal marayo, waxa u bannaan laba dariiq oo keliya. In uu gaajo u dhinto iyo in uu Illaahay siiyo awoodda ah in uu marxalad xanuun badan maro si uu u sii noolaan karo. Haddii Illaahay waafajinayo in uu sii noolaado, 150 cisho oo dhib iyo qaxar ah ayuu maraa.

Gorgorku wuxu  u duulaa buurta xageeda u sareysaa halkaas oo uu cushka hoyga u ah ka sameysto. Wuxu bilaabaa in uu afka dhagaxyada buurta la dhaco inta uu ka af-dhacsanayo. Waxa anu muddo sugaa in afkii dheeraa dib ugu soo baxo. Marka afku u soo baxo ayuu bilaabaa in uu ciddiyihii iyana iska siibo. Wuxu sugaa inta ay ciddiyuhu u soo baxayaan markaasu bilaabaa in uu baalasha gaboobay iska rifo si ay kuwa cusubi ugu soo baxaan. Maalinta 150 cisho u dhammaato, ayuu duulimaadkii iyo ugaadhsigii dib u bilaabaa siina noolaada 30 sano oo dambe.

Waxa aan filayaa in aad ka heshay sheekadan oo aad maanka ku haysid, tallow sidee baan isbedel naftayda ugu samayn karaa? Aan is waydiino muxuu qofku u doortaa isbedel in uu sameeyo? Isbedelka qof kastaa raadinayo ma aha in uu noolaado oo keliya ee waa in uu ifka iyo aakhiraba ku najaxo. Waxa laga rabaa qof kasta oo inaga mid ahi in uu is qiimeeyo ka dibna isbedelka uu u baan yahay noloshiisa ku sameeyo. Isbedel kasta waxa loo maraa dhib iyo xanuun badan. Wax si yar oo fudud loo helaa ma jiro.

Ilaa iyo 2009, waxa ay sheekadan la yaabka leh, ee ka hadlaysa dib-u-dhalashada Gogorka, lagu soo celceliyey baraha bulshada marar badan waxaanay ugu soo noqnoqnaysay  siyaabo kala gedisan. In kasta oo sheekadu tahay mid aad u macaan, haseyeeshee sheekadan waxba kama jiraan. Gorgorku ma noolaado 70 sano. Siduu 150 cisho u qatanaan karaa ama ugu adkaysan karaa xanuunkaa xad-dhaafka ah? Wax suuragal ah ma ah. Waxa aan se odhan karnaa, ciddii sameysay sheekadan waxa ay uga dan lahayd in lagu dhiiriyo akhristaha, sidii isbedel uu naftiisa ugu samayn lahaa.

Sheekadan waxa aan u soo qaatay in aan is xasuusino sida qof kasta oo inaga mid ahi looga baahan yahay in uu la yimaaddo isbedel dhab ah. Illaahay Subxaana wa Tacaalaa, wuxu Qur’aanka kariimka ah inoogu sheegay: (13:11) ﴾-: ﴿إِنَّاللَّهَلايُغَيِّرُمَابِقَوْمٍحَتَّىيُغَيِّرُوامَابِأَنفُسِهِمْIllaahay dadka ma bedello haddii aanay iyagu isbedel isku sameyn. Haddii qofku isbedel la yimaaddo oo uu xumihii ku bedelo daacad iyo wanaaga, Illaahayna wuxu siiyaa degenaasho, farxad, iyo nolol wanaagsan lagana qaadaa warwarkii, cadhdii iyo noloshii kadeednayd.

Saddexba waa in uu qof kasta oo isbedel sameynayaa la yimaaddo: ugu horreyn, markaIllaahay ku waafajiyo isbedelka waa in aad ku xamdi naqdaa nicmada uu ku siiyey oo aanad kibir ka qaadin. Labo, in aad xasuusnaatid guuli waa ta lagula grab taagan yahay. Iyo saddex in aad mar kasta ogaatid in laagaga horreeyey isbedelka lagaagana dambanyn doono.

Xasuuso in Illaahay arrimahaaga oo dhan kuu yasiray kuuna fududeeyey maridda dariiqaa guusha aad ku gaadhay.Ha is odhan sidii Qaaruun(27:78)﴾قولهتعالى: ﴿قَالَإِنَّمَاأُوتِيتُهُعَلَىٰعِلْمٍعِندِي, cilmigayga ama maskaxdayda wanaagsan ayaan xoolahan ama guushan ku keenay. Waa in aad tawaaduc la timaadid oo mar kasta nimcadaa Allah ugu mahad celisid.

Guul aad keli gaadhi kartaa ma jirto waxa in badan sabab u ah dadka kugu xeeran. Tallaabo kasta oo noloshaada ka mida bal dib u jaleec. Dadkii kuugu dhawaa ee kugu xeernaa ayaa Illahay sabab uga dhigay isbedelka aad sameysay, sida waalidkaa, walaaladaa, saaxiibadaa, macallinkaagii, ooridaadii, carruurtaadii, madaxdii ku soo martay, dadkii aad wada shaqayseen. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa; Illaahay marka uu xoolo ku siinaya, dadkeeduu ku siiyaa. Cid uun baa sabab u ahayd horrumarkaa aad sameysay. Manaad sameyn karteen haddii aan Illaahay iyaga sabab uga dhigin.

Isbedel kasta oo aad sameysid iyo wax kasta oo wanaagsan oo aad la timaadid, waxa aad ogaataa in uu qof kaaga horreyey dad badan oo kalena kaaga dambayn doonaan. Ha is odhan adiga ayaa cilmigan ama camalkan wanaagsan keli ku ah. وَفَوْقَكُلِّذِيعِلْمٍعَلِيمٌ﴾ 76:12}

Inteena Illaahay fursadda u siiyey in aan soonno bishan Ramadan ee bilowga ah, waxa ina la gudboon in aan uga faa’idaysanno bishan, si tabanna nolasheen wax uga bedelno. Ramadantu waxa ay saameysaa jadwalka nolosheenna. Hurdda-la’aan, saacado badan oo la sooman yahay, tukashada Taraawiixd iyo Tahajud 10ka dambe, akhrinta Qur’aanka oo aan badsano, sadaqo iyo zakadii oo aan la baxno. Waana wakhti aynu ku eegno il naxariis leh bulshadeen inta baahan haddii ay tahay quudintooda ama taakulayntooda.

Haddaba jadwalkaa nolosha ee is bedelay ee Ramadantu sababta u tahay wuxu dhiirigelinayaa in qofku isbedelka shakhsiga ah la yimaado. Sida uu Nebigeenii Suubanaa (SCWS) inoo sheegay, albaabadii tawbaddu way inoo wada furan yihiin waxa la inaga rabaa in aan ka faa’ideysano fursaddaa Illaahay inna siiyey. Bisha Ramadan waa wakhti qofku isbedel la iman karo. Hadaba, aan dhammaanteen iskudayno in aan maanta bilowno tallaabadii ugu horreysay ee aan nolosheena wax kaga bedeli lahayn. Waxa aan inoo rajeynayaa Illaahay soonka inaga aqbalo, dembi dhaaf iyo naarta oo inaga xoreeyo.

Waxaa Qoray:- Xildhibaaan Maxamed Cumar Carte, Raiisul Wasaare Ku-Xigeenkii Xukuumadii hore.

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; [email protected]