U bood dhigaalka

Isbitaalka Baydhabo Oo La Gaarsiiyey Dad Badan Oo Uu Soo Ritey Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafiyeen bukaanno badan oo uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, xilli isbitaalka dawo la’aan ay ka jirto.

C/qaadir Warcadde, wariyaha Goobjoog ee Baydhabo ayaa soo sheegaya in Isbitaalkaasi la geeyey dad hor leh oo cudurka shuban biyoodka soo ritey, waxaana isbitaalka kusii jirey bukaanno ka badan 60 qof.

Dr C/fitaax Ibraahim Xaashi oo ah Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo ayaa inoo sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay isbitaalkaasi la geeyey dad ka badan 20 qof.

Agaasimaha ayaa dhinaca kale sheegaya in dadka la geynayo Isbitaalka aan loo hayn dawo, maadaama Isbitaalka dawadii yaraa ee taallay la siiyey bukaanadii ugu horreeyey ee cudurka uu soo ritey.

Agaasime Xaashi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, maamulka K/galbeed, dowladda federaalka iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad dawo ah lasoo gaaraan isbitaalka guud ee Baydhabo.

Goobjoog News