U bood dhigaalka

Isbitaalka Cadaado Oo Lagaarsiiyay Deeq Dawo Ah

Sheeko:Dalka

Deeq Dawo ah ayaa waxaa la gaarsiiyey Isbitaalka Cadaado kaasi oo ay ku jiraan Bukaanno qaba xanuuno kala duwan lagana kala keenay deegaannada hoos yimaada Galmudug.

Dawada ayaa waxaa isbitaalka gaarsiiyay hay’adda RCRC, waxayna ugu talo galeen in lagu daaweeyo bukaannada Jiifa Isbitaalka.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Cadaado Dr Maxamed Cali Yuusuf ayaa ka warbixiyey deeqda la soo gaarsiisay waxay ka koobantahay.

“Maanta waxaan helnay deeq Dawo ah oo nooga timid hay’adda RCRC, Dawada waxay is kugu jirtaa Mid qalliin iyo Dawooyinka caadiga ah”.

Isbitaalka Cadaado ayaa waxaa ku jira bukaannado badan oo laga kala keenay deegaannada hoos yimaada Maamulka Galmudug waxaana Isbitaalka ka jirtay Dawo yari.

Goobjoog News