U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Qoryooley Oo Dawo Yari Laga Soo Sheegayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka Dagmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa walaac ka muujiyay Dawo yari haatan ka jirota Isbitaalkaasi, xilli ay bukaanno jiifaan,

Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dagmada Qoryooleey Cumar Xasan Cumar ayaa Goobjoog News u sheeegay in Dawo la’isku haleyn karo misane wax ka qaban karta bukaanada jiifa Isbitaalka aysan jirin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Agaasimaha in qalabka adeegga caafimaadka iyo sidoo kale daryeelka Bukaanada aanu lahayn isbitaalka Qoryooley, oo uu sheegay in bulshada shaqo muhiim ah u hayo.

Waxa uu shaaciyay in Maamulka Koonfur Galbeed uusan ilaa iyo hadda soo kormeerin Xaalada ka jirta Isbitaalka dagmada Qoryooleey oo ay ku jiraan dad Caruur u badan oo la il daran Cuduro kala duwan.

Agaasime Cumar Xasan Cumar ayaa ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed, dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ah  in il gaar ah ay kusoo eegaan isbitaalkaasi si shacabka wax loogu qabto.

Goobjoog News