U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Mahadaay Oo Lagaarsiiyey Dawo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa deeq dawo ah gaarsiisay Isbitaalka demada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

 Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wasaaradda ayaa gaaray Mahadaay oo maalmihii dambe ay ka jirtay xaalado dhinaca caafimaadka ah.

Wasiir ku xigeenka Hirshabelle ayaa ku wareejiyey deeqda dawada ah oo uu waday guddoomiyaha maamulka degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax iyo Maamulka Isbitaalka.

 Dr Axmed Sheekh Abuur oo ah ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle ayaa ka hadlay deeqda dawada ah oo ay gaarsiiyeen Isbitaalka degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe.

“ Ujeedada Socodkeenna waxaa uu ahaa in aan sameyno caawimaad, wax allaala wixii cudur ah oo ka jira halkaan si aan wax uga qabanno, waxaa jira biyaha markii ay soo baxaan oo roobka waxaa ka dhasha cudurro oo ay ka mid yihiin daacuunka”.

Shacabka ku nool degmada Mahadaay ee gobolka Sh/ dhexe ayaa ka cabanayey maalmihii dambe dawo yari soo food saartay Isbitaalka guud ee degmada, kaasi oo la sheegay in ay ku jiraan dad bukaanno ah.

Goobjoog News