U bood dhigaalka

Isbitaalka Garoowe Oo Laga Eryey 37 Shaqaale

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay shaqadii ka erisay 37 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha isbitaalka guud ee Garoowe.

Shaqaalahan la ruqseeyey ayaa isugu jiray dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo ka howlgalieyey isbitaalkan.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in shaqaalahan sababaha loo eryey ay tahay dayacaad dhanka shaqada ah iyo iney iska qaadanayeen mushaar aanay shaqeysan.

Sidoo kale, waxaa jirtay cabasho ka imaaneysay dhanka dadweynaha, taasi oo ku aadaneyd habka shaqo ee isbitaalkan.

Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa dhowaan waxay shaqadii ka erisay agaasimihii, agaasime ku xigeenkii iyo maamulkii maaliyadda ee Isbitaalka Garoowe, sababo la xiriirta cabashada dadweynaha.

Goobjoog News