U bood dhigaalka

Isbitaalka Guud Ee Garoowe Oo Qarka U Saaran In Uu Xirmo

Sheeko:Caafimaadka

Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe ayaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaran yahay gabi ahaanba inuu xirmo.

Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Isbitalaka Guud ee Garoowe qaar ka mid ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku eedeeyey Mas’uuliyiinta Isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadka maamulxumo iyo wax qabad la’aan.

Waxa ay sheegeen in qeybo ka mid ah Isbitaalka ay xirantay, sidoo kalena aanay jirin wax Mushaar ah oo aanay muddo qaadan.

Yuusuf oo ka mid ah dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa sheegay in muddooyinkii dambe uu Isbitaalka guud ee Garoowe si noqonayay mid hoos u sii dhacaya marka laga fiiriyo dhanka dadka soo booqanaya, waxaa uu tilmaamay in hadda Isbitaalka ayba yimaadaan maalintii dad dhan afar waxaa uu hoosta ka xariiqay in arrintaan ay sabab u tahay hoos u dhac ka jira maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe.

“Isbitaalka Xaaladdiisa hoos u dhac ayaa ka jirta haday noqoto dhanka bukaannada imaanayay, Saakay dadka noo yimid waxaa ay ka koobanyihiin Afar qof afartaas qof waa dad bukaan socod ah dad la jiifinayo maahan waad nabarro ay ku soo dhaceen hoos u dhacaas waxaa keeni karo ayaan is leeyahay Maamulka Isbitaalka oo hoos u dhac uu ka jiro”.

Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha Isbitaalka ayaa Maamulka sare iyo Wasaaradda Caafimaadka ku eedeeyay in ay Mas’uul ka yihiin in uu xirmo Isbitaalka guud ee Garoowe waxaa ay tilmaameen in aysan wax Mushaar ah aysan Mudoo badan oo shaqadaan ay hayeen.

Goobjoog News