U bood dhigaalka

Isbitaalka Magaalada Baladweyne Oo Dawo La’aan Ah

Sheeko:Caafimaadka

Dawo la’aan ayaa xilligaan soo wajahday Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, iyadoo taasi saameyn ay ku yeelatay bukaanno badan oo Isbitaalka jiifay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa u sheegay Goobjoog, in xilligaan aanay wax Dawo ah yaallin Isbitaalkaasi, islamarkaana dadka ay magaalada Muqdisho Dawo usoo raadsanayaan.

“Isbitaalkii malahan Dawo, malahan shaqaale, maxaa yeelay wey iska kala tageen shaqaalihii markii ay waayeen wax ay dadka ku daaweeyaan, maanta waxaan tagay garoonka magaalada Baladweyne, waxaan arkay 7 qof oo banaanka Dawo loogu raadinayay, haweeney ka mid ah dadkaasi ayaa garoonka ku dhimatay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka

Sidoo kale Sheekh Xuseen ayaa sheegay in waxa ka jira Isbitaalka magaalada Baladweyne aan indhaha laga laaban doonin, sidoo kalena lala xisaabtami doono hay’adaha ku sugan magaaladaasi.

Ugu dambeyn ayuu gudoomiye ku xigeenka ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda caafimaadka in si degdeg ah ay gurmad Dawo ah usoo gaarsiiso Isbitaalka magaalada Baladweyne.

Goobjoog News