U bood dhigaalka

Isbitalkii Degmada Aw-dheegle oo muddo kadib dib loo furayo

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlayay Shacabka ku nool deegaannadi dhawaan laga qabsaday Al-shabaab ayaa sheegay in maamulku uu deegaannadaas gaarsiin doonno adeegyada bulshada.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Aw-dheegle iyo deegaannada ku hareereysan oo Ciidamada Qalabka sida ay Al-shabaab  ka saareen ay geyn doonaan Raashinka nuucyadiisa kala duwan, isagoo sheegay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonaan deegaannadaas.

Guddoomiye Najax ayaa xusay in dib ay u furi doonaan Isbitaalka degmada Aw-dheeegle iyo Iskuuladii muhiimka u ahaa horumarinta Waxbarashada degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Goobjoog News