U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Deegaanka Tukaraq Oo Saakay Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa waxay sheegayaan in saakay aanu halkaasi ka jirin wax isgaarsiin ah.

Dadka ku dhow deegaankan ayaa xaqiijinaya in ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii oo aan la ogeyn cidda Labada maamul ee sida dhabta ah u jartay ama haddii ay jiraan cillado soo gaaray qalabkii isgaarsiin ee halkaasi yaallay.

Ma jirto cid kala dhexgashay ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku dagaallamay Tukaraq, iyadoo illaa xalay dagaallada ay soo gaareen.

Labada dhinac ayaa isku eedeynaya in midba midka kale uu ka dambaayey weerarka dagaalkii shalay dib uga billowday deegaankan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News