U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Gedo Oo Dib Hawada Ugu Soo Laabatay

Sheeko:Dalka

Degmooyinka Buurdhuubo , Garbahaaray iyo Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan Gobolka Gedo, waxa ay dadku dib u heleen adeeggii Isgaarsiinta oo jarnaa Muddo Labo maalin ah .

Ulajeedka hawadda looga saaray Isgaarsiinta waxa ay ku sheegeen xubno ka tirsan maamulka Degmooyinkaasi inay tahay Howl ciidan , sabab loo faahfaahin bixiyana aysan jirin .

Ka sokow inta aan la jarin xiriirintaasi waxaa Garbahaaray iyo Buurdhuubo uu dagaal ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda kaas oo la xaqiijiyay inay dhaawacyo ka dhasheen .

Xaaladda goobahaas uu dagaalku ka dhacay ayaa iminka deggan, balse  Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa laga soo xigtay in ay ka wadaan Tuulo Barwaaqo , Garbahaaray iyo Buurdhuubo howlgallo ammanka lagu xaqiijinayo , iyadoo la soo warinayo inuu yar yahay dhaqdhaqaaqa dadka degaannadaas ku nool .

Isgaarsinta oo hawada ka maqnayd Labo maalin degmooyinkaasi waxa ay saamayn aan wanaagsanayn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa shacabka, taasina waxa ay hadalka ku xirtay  dadkii  ku wada xiriiri jiray maqal fogeeyaha .

Ma ahan markii ugu horraysay ee meello ka tirsan Gobolka Gedo laga saaro isgaarsiinta , iyadoo waliba loo sababaynayo xaalad qusaysa Ciidanka .

Goobjoog News